Somalia ayaa Golaha amaanka Qaramada Midoobay horgeeysay Qaraar ku saabsan xaaladda Yemen
1 min read

Somalia ayaa Golaha amaanka Qaramada Midoobay horgeeysay Qaraar ku saabsan xaaladda Yemen

Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya oo ku hadlayay magaca dalalka Somalia ,Algeria, Guyana iyo Sierra Leone oo loo soo gaabiyo A3+ ayaa ku baaqay talaabo caalami ah oo loo qaado xaga nabad-dhisidda Yemen Isaga oo yiri

“Waxaan ku boorineynaa dhammaan dhinacyada, oo ay ku jiraan jilayaasha gobolka iyo kuwa caalamiga ah, in ay mudnaanta siiyaan waddooyin diblomaasiyadeed oo lagu joojin karo ficillada militari ee ka socda dhulka Yemen.

Ambassador Abuukar Daahir Cusmaan, Baalle Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay,oo hadal ka jeediyay fadhigii golaha amaanka Qaramada Midoobay ayaa xusay dhibaatooyinka bini’aadantinimo, khataraha marinada bada cas iyo gacanka cadmeed iyo weerarada milatari ee Yemen uga imaanaya dibada