Nasashada Jimcah. Q-444=Waxaad la mid tahay adiga oo Badda Sisin ku beertay..=
2 mins read

Nasashada Jimcah. Q-444=Waxaad la mid tahay adiga oo Badda Sisin ku beertay..=

1. Robert mugabe, ayaa yiri: Haddii aad Jeceshahay Qof aan ku jecleyn. Waxa ay la mid tahay in aad Sugeyso Markab Adiga oo joogo Garoonka Dayaradaha. ( F.S:1aad)

( Haddii aad Taageersan tahay Siyaasi aan ogeyn Baahidaada bulsho, waxa ay la mid tahay, Adiga oo Badda Sisin ku beeratay)

2. Robert Mugabe, ayaa yiri: Khasab ma ahan in Wiilku uu mar kasta Aabihii u ekaado, waxaa Suuragal ah in uu u ekaado Aabaha Saaxiibkii oo khamri ay wada cabaan. ( F.S:2aad).

( Khamradu waa “umul khabaa’ith” , Gurigaaga yaan shaki kaa galin)

3. Robert Mugabe ayaa yiri: Haddii Gabar Mareykan ahi ay Saaxiibkeed bareeyso, Gabdho kale oo iyada saaxiibadeed ah, Gandhahaasi waxa ay leeyihiin Saaxiibkaa waa qurxoonyahay.
Haddiise Gabar Afrkaan ah ay Saaxiibkeed bareeyso Gabdha kale oo iyada Saaxiibadeed ah. Waxa ay leeyihiin: u sheeg saaxiibkaa, in uu Caawa Casho noo qaado,waan baahannahay. ( F.S;3aad)

( Madaxda Africa marka aad baree Madaxda wadamada Hodonka ah, mexeey ku leeyihiin?)

4. Waxaa la yiri: Haddii aad jeclaato Qof aad Sawirkiisa ku aragay Baraha bulshada. ogow, in Sawirkaasi uuna kuu sheegeyn, Shiirka Jirkiisa, urka afkiisa iyo Xumaanta dhaqankiisa.(F.S:4aad)

( yaan laguugu gaadin Sawir Baraha Bulshada laguugu soo diray, ilaa aad Barato xaqiiqda Qofkaa) .

5. Saaxiibkeey ayaa igu yiri: Gabar ayaan is baranay Maalin Isniin ah, Talaado waxa ay igu tiri: Kareemkii ayaa iga dhamaaday. Gaaskii Cuntada lagu karinayayna waa iga dhamaaday, Mobile – keygiina Biyo ayuu ku dhacay. Waxa uu yiri: Arbacadii ayey hadana ii soo wacaday waxa ayna ii sheegtay in Kiradii Guriga laga rabo, Berina ay Qabto Xaflad ay ku casuumee Saaxiibadeed. ( F.S:5aad)

( Maxaan kula taliyaa Saaxibkeey ?)

6. Maalmahaan intii aadan Shabaq Jaceyl ku dhicin, isticmaal Photocopy-ga Wadnahaga, Originaalka Wadnahaagana Gurigaaga uga soo tago. ( F.S:6aad)

( Siyaasiyiinta Somaliduna, marka ay Siyaasadda galayaan, Wajigooda Runta ah, zzzGuriga ayuu uga soo tagtaa, waji Fake ah ayeeyna Bulshada tusaan)

Qore: Yahya Amir