
Sanad kadib qaadistii cunaqabataytii La saaray Soomaalia 31 sano kadib…
Sanad kadib qaadistii cunaqabataytii jirtay 31 sano Somalia oo ka soo kacday kaalimihii ugu hooseeyay ee ay kaga jirtay Caalamka ayaa ka sara martay sadax dal marka la eego qiimeynta Firepower ee sannadkan 2025-ta ee ku aadan Awoodda militeri kaas oo laga qeyb geliyay 145 dal.
BBC ayaa soo bandhigtay warbixin ku saabsan qiimeynta Firepower oo tixgeliya 60 arimood sida tirada ciidamada, qalabka milatariga, xasilloonida maaliyadeed, goobta juqraafiyeed, iyo agabyada la heli karo.
Qodobbadani waxay si wada jir ah u go’aamiyaan dhibcaha PowerIndex, halkaasoo buundooyinka hoose ay muujinayaan awoodaha ciidan ee xooggan.
Caadiyan sannadkasta liiskan waxaa hoggaamiaya Mareykanka, halka Ruushka, Shiinaha iyo Hindiya ay soo kala galeen kaalmaha labaad, saddexaad iyo afaraad.
Kuuriyada Koonfureed, Ingiriiska, Faransiiska, Japan, Turkiga iyo Talyaaniga ayaa galay sidoo kale ka mid ah 10-ka dal ee ugu horreeya liiska ay soo saartay Global Firepowe
Sannadkii dhamaaday ee 2024-Soomaaliya ayaa ka gashay liiska awoodaha militari ee adduunka kaalinta142aad taas oo ka dhigan horumar markii qiimeyntu ay xustay Somalia in ay ka sara martay Bhutan, Moldova, Suriname.
Waddamadan ay Soomaaliya ka sare martay ayaa waxay ku kala yaallaan qaaradaha Ameerika iyo Aasiya.
Muddo dheer ayay sanadk kasta Soomaaliya ay ahayd dalka ugu hooseeya liiska, Waxaase muuqata in saddexdii sano la soo dhaafay ay sare u soo kacaysay.
Sidaa darteed waxaa la saadaalinayaa in sanadaha soo socda In awoodda militari ee Soomaaliya ay sare u kici doonto marka ay soo iibsato ama la siiyo hubka loo fasaxay.
Sida ku xusan warbixinta uu diyaariyay wargeyska Global FirePower, tirada shacabka Soomaaliya qiyaas ahaan waa 12,368,248.
Tirada dadka soomaalida ah ee ku biiri kara ciidamada waxaa lagu qiyaasay 2,848,837 ruux, oo u dhigma 24.0%, oo ka mid ah shacabka guud.
Tirada ciidanka milatariga Soomaaliya ee hadda shaqeeya waa qiyaastii 17,500 oo askari, sida lagu xusay warbixinta wargeyska Global FirePower Ma jiro ciidan keyd u ah milatariga Soomaaliya.
Elmi Osman Farah Boodhari