
Dagaalka Puntland iyo Daacish iyo arimaha jira…
“”””””””””””””””””””””
Dagaalkaan ma ahan dagaal tictok
Dagaalkaan ma ahan dagaal wiilal Reer miyi ah dabinada xeelaysan ee Daacish dam lagu siinayo.
Wararka hordhaca ee kasoo baxaya hogaanka howlgalka ciidamada Puntland ayaa sheegaya inay Daacish ka qabsadeen fariiso badan oo kooxdu lahayd tiiyoo ay cadeymano soo bandhigeen ciidamadu.
Hadaba qiyaasaha caalamku ka bixinayo Daacishta Buuraha Calmiskaad ku jira waa uu ka duwan yahay midka Puntland soo bandhigayso.
Daacishta Buuraha silsiladda Golis jira waxaa lagu qiyaasay in ay yihiin tiro aad u badan oo tababaro qaba dalal badana isaga yimi.
Sida muuqata waxay bilaabeen qaab guur guur ah iyo in ay galaan dagaal dabadheerada si ay khasaarahooda u yareeyaan.
Waxay samaynayaan #baqo_beenaale waxayna rabaan in ay ciidamada fogaystaan oo ay Buuraha Sare laysula baxo.
Waxaa la cadaynayaa in saldhigyo adag ku leeyihiin Buuraha Tasjiic ilaa iyo Sayn.
Waxaa jira godod ay kaga dhuuntaan diyaaradaha, iyo kuwa dhulka hoostiisa ah oo ay meelo kala duwan isaga dusaan.
Waxay ka kooban yihiin khuburo dagaal oo dalal badan isaga yimi.
Hadaba maamulka Puntland waxaa laga rabaa inay ogaadaan in dagaalkaan ka weyn yahay oo ay dowladda federalka ciidamo weydiistaan.
Dagaalkaani, Dagaalkii goojacade oo kale ma ahan ee #tola’ayey lagu galayey,
Waa dagaal u baahan sirdoon, sahan, sahay,sirqo iyo saldhigyo sanado badan la fadhiyo.
Dagaalkaan ma ahan dagaal tictok
Dagaalkaan ma ahan dagaal wiilal Reer miyi ah dabinada xeelaysan ee Daacish dam lagu siinayo.
Waxaa ugu baqayaa beesha #Puntland degta hadii Dad caqli leh kusii haray in dowladda Puntland lala taliyo Laguna dhiirado, loona sheego in dagaalku uu yahay dagaal calimiya oo aysan ku filnayn beel soomaaliyeed.
Khadar Yusuf Gadac