
Yaa karaama beelay, Hasan Sheikh mise Abye Axmed ?
Qof ayaa soo qoray, Qoraalka hoose ( F.S:1aad)
Qofkaa oo leh Md. Xasan shiikh waxaa ku dhacay Karaama beelkii ugu weynaa, waxa uu Salaan ka qaatay Ciidamada Ethiopia oo aan Bad leheyn, Abye Axmedna Waa ka guuleeystay Xassan.
Aragtidaada Xur ayaad u tahay, laakin dhacdadaa haddii aan u fiirino si Caqli gal ah.
Haddii Ciyaarta Siyaasadeed ee Xassan uu la ciyaaray Abiye wakhtiyadaan dambe ayna dhici leheyn.( Diplomatic maneuvers)
Waxaa looga guuleystay Dhinaca siyaasadda iyo Caalmakii oo dhan oo u arkay in ay ku xad gudbee shuruucda AU iyo UN. Dowladihii waaweynaa ayaan siiyay Digniin iyaga oo ilaalinaa danahooda geeska Africa.
Ciidamadaasi Waxa ay Salaan Sii lahaayeen Abiye Axmed iyaga oo joogo Xeebaha Somaliya.
Laakin Dadaalka Wasaaradda Arimaha Dibadda iyo Madaxda kale ee Dowladda Somaliya ayaa keenay in Ciidamadii Badda Ethiopia lagu soo koobo Cutub Howshiisu ku kooban tahay in uu Berriga Salaan ku siiyo Xassan shiikh, kadib markii uu gebi aahaanba Baaba’y Hamigii ahaa in Xero Ciidan badeed ee Ethiopia leedahay laga dhiso Xeebaha somaliya, sidaa darteed Qofka karaama beelay ee Siyaasad ahaan looga raayay, aragtidiisii Xooga ku dhisneedna laga quusiyay waa Abiye. Ciidamada Ethiopia weligood waa laga ilaali jiray Xeebaha Somaliya Hadana Xassan ayaa ku khasbay in ay Berriga Salaan ku siiyaan.
Ciidankii Badda Ethiopia Dareeskii waa laga bedelay badankooda, waxaana laga dhigay ciidanka lugta, bacdamaa laga quustay Baddii. Waxaana laga dhigay Cutub salaanta bixiyo, sida ay u salaameen Madaxweynaha Faransa ayeyna Xasan u salaameen ( F.S:1-4aad)
FG: Aragtideyada Haddii arintaan aan lagu fiiriyayin indha mucaarad iyo kuwo muxaafid ee si ogaal aqooneed ah lagu fiiriyo waa sidaan.
FG:wixii ka khaldan ka sax, wixii ka dhimanna ku dar
Qore :Yahya Amir