Nasashada Jimcaha. Q- 443=Shiidka iyo Jeeb xanuunka Ummadda Allaah ha ka bixiyo=
2 mins read

Nasashada Jimcaha. Q- 443=Shiidka iyo Jeeb xanuunka Ummadda Allaah ha ka bixiyo=

1. Gudiga Doorashooyinka Madaxa banaan ayaa Shacabka Gobalka Banadir u sharaxay sidii Mogadishu loogu qaban lahaa Doorasho Deegaan oo Qof iyo Cod ah oo si Cadaalad ah u dhacdo. (F.S:1aad)

( Hayeey,……….)

2. Haweeneey ayaa Qolka fadhiga ugu gashay Saygeeda oo Kitaab Qu’aan Akhrisanayo. Waxa ay ku tiri: Haddii aad dhameeysato Akhriska Qur’aanka ii imaad, waxaan ka wada hadleeynaa Qoraal aan ku arkay Mobilkaaga.
Saygii Laba Cisho ayuu ku jiraa Qolkii fadhiga isaga oo weli akhrinayo kitaabkii Qur’aanka.

( Ajir Alla ha ka siiyo)

3. Caalimkii Mutanabi ayaa yiri: Qofku Labo sabab ayuu isku bedeli karaa:
a) Marka la dul saaro Culeys ka badan Awoodiisa.
b) Marka la siiyo wax ka badan wixii uu Xaqa u lahaa. ( F.S:2aad)

( Somaliya waxaad ku arkee, Shacab la dul saaray wax ka badan Awoodiisa, iyo Madax la siiyay wax ka badan wixii ay Xaqa u lahaayeen)

4. Wasaaradda Maaliyadu waxa ay ku guuleeysatay in ay ururiso Canshuurta VAT, Culeeysba ha noqotee waa loo baahnaa waana Hirgashay. Damacu waa badan yahay ee Mar kale waxa ay soo saareen Cashuurta ( Faa’iidatul faa’iido) waa sharci iyadana waa loo baahan yahay. Laakin, ma la is weeydiiyay Xaaladda dhaqaale ee Dalka iyo Culeeyska loo sii gudbin doono Shacabka Jeeb Sakaraadku hayo.

Suuqya badan ayaa Ganacsigu ka xirmi doonaa. Wasaaraduna waxa ay waayi doontaa intii yareed ee Hore u soo gali jirtay. ( F.S: 3aad)

( wax badso, wax beeleey leedahay)

5. Culeeyska dhaqaale ee Danyarta Dalku guud ahaan intuu la egyahay?. ( F.S:4aad)

( Shiidka iyo Jeeb xanuunka Ummadda Allaah ha ka bixiyo)

6. Caalmkii Najiib Maxfiud aya yiri: Maleey Adiga ku dhax wareegaa Beer Jannadda ku dhax taal. Ayaad si kadis ah u aragtay Raauulkeenii Muxamed CSW oo ku fiirinaa Isaga oo dhoola cadeeynaa. (F.S:5aad)

( waa mala fiican, Allaah Adigana ha kuu qadaro muuqaalkaa oo kale in Jannada dhaxdeeda aad kula kulanto Rasuulkeena Muxamed CSW oo dhoola cadeeynaa…. “” Maxaad sugee Aamiin,Aamiin, Aamiin dheh Allaah ayaa wax kasta awoodee”.

Qore:Yahya Amir