1 min read
Duqa Muqdisho oo dhagax-dhigay 20 waddo interlock ah oo laga dhisayo Kaaraan.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa dhagax dhigay dhismaha 20-waddo oo interlock oo laga hirgalin doono Waaxda Jabuuti ee Degmada Kaaraan, iyada oo dhismaha Waddooyinkaas ay iska kaashan doonaan bulshada deegaanka iyo maamulka Degmada.
Guddoomiyaha degmada Kaaraan Mudane Faarax Cadaani oo warbixin kooban bixiyay ayaa sheegay in waaxaha kala duwan ee degmada Kaaraan uu ka socdo tartan la xariira dhismaha waddooyinka iyo bilicda degmada.