Nasashada Jimcaha. Q-442=Ma waxaan joognaa wakhti, Guurka laga qoomameeyo, maxaa sabab u ah?=.
3 mins read

Nasashada Jimcaha. Q-442=Ma waxaan joognaa wakhti, Guurka laga qoomameeyo, maxaa sabab u ah?=.

1. Sir Naageed, ” Ballantii weey fulisay laakin sidee”. Nin ayaa aad u shaqeysan jiray, Xoola badanna Tacbaday. Markii uu xanuunsaday ayuu Xaaskiisa kula dardaarmay in Haddii uu geeriyoodo Hantidiisa Barkeed ay la aasto, barka kalena ay qaadato, waxaan rabaa in halka aan tagayo Geerida kadib in aan ku isticmaalo. Waxa ay tiri: waa ballan in aan fuliyo dardaarankaaga.

Markii lagu riday Sanduuqii lagu aasi lahaa, ayeey ku tiri: ii Suga, waxa ayna ku dhax riday Sanduuqii Maydka Gasac yar, waana xirtay Sanduuqii.

Markii la aasay, saaxiibkii ayaa weeydiiyay maxaad ku riday Sanduuqa? waxa ay ku tiri: Ninkeeyga Balankiisa yaan fulinayay.

Hantidiisii oo dhan waan Lacageeyay, kadibna Account-geeyga Bangiga ayaan ku wada shubay. Kadibna Hantida Barkeed ayaa Jeeg “cheque” ugu qoray, si uu halka uu tagayo uga qaato, Balantiina waan fuliyay. ( F.S:1aad)

( Ballamada Siyaasiyiintuna waa la mid, marka ay Xilka ka dhici rabaan ayeey Jeeg been ah iyo Xilal been ah Qoraan, iyaga oo ku leh Dowladda dambe ka sarifa )

2. Markii aan yareeyn haddii Qof qaraabaa oo marti ahi ay magaala kale nooga timaad, oo Qolka Martida aan geeyno. Waxa ugu horeeyo oo uu na weeydiiyo waxa ay aheyd Qibladu xageey naga xigtaa, Bacdamaa ay magaalada ku cusub yahay.

Maanta Haddii Annaga ay marti noo timaad, waxa ugu horeeyo oo ay Caruurteen weeydiinayaan waa WiFi iyo Password. ( F.S :2aad)

( Martidii miyaa is bedeshay, ma Annaga, mise labadeena?)

3. Shalay Waalidkeena ma weeydiisan jirin in uu noo soo gado ” Aabitooy” Annagaa Gacanteena ku sameeysan jirnay. Batari uma Baahneeyn, Gacanteena ayaana u aheyd Remote-kii lagu dhaqdhaqaajiyo.

Maanta Caruurteenu waxa ay Rabaan in aan u soo gadno Aabitooy, Batari iyo Remote. ( F.S:3aad)

( Xasuuso, markii aad Caruurta aheyd iyo Caruurta maanta farqiga u dhexeeyo, ha ku cadaadin in ay sida xiligaagii u dhaqmaan, hana u ogolaan in xiliga cusubi sidii uu doono uu u isticmaalo caruurta)

4. Nin ayaa Sawirkaan soo dhigay Bartiisa Bulshada. Waxaa lagu yiri: maxaad ka wadaa Sawirkaan. Waxa uu yiri: waxaan ka wadaa intii aan Rootiga qaadan lahaa, Foornada oo dhan aan qaato. ( F.S:4aad)

( Muxuu ula jeedaa? )

5. Markii aad Doobka aheyd waxaad arkeeysay Dad Xaasas ah oo Laba labo u socdo oo faraxsan, waxaadna Hami jirtay in aad la mid noqoto.

Markii aad xaasle noqotay waxaad Aragtay Doobab kali kali isaga socdo oo faraxsan, waxaad hamisay haddii aad ka mid noqon leheyd. ( F.S:5aad)

(Ma waxaan joognaa wakhti, Guurka laga qoomameeyo, maxaa sabab u ah? ).

6. Mugabe ayaa yiri: Maxaa lagu ogaadaa Gabarta aad Guursatay in ay Bikro tahay iyo in kale?.

Waxa uu yiri: Haddii Gabartu ay Bikro tahay, Habeenka ugu horeeyso marka aad Albaabka Qolka soo Xirto waa ooynee. Haddiise ay ka qeyb gashay Dagaalkii Horoshima iyo Negosaki waa dhoola cadeeynee marka aad Albaabka soo xirto. ( F.S:6aad)

( Alloow na mooti, muxuu ula jeedaa? Wiilka laftiisu ma yahay, Doob la hubo?)

Qore: Yahya Amir