Nasashada Jimcaha. NO. 441=Tanoo kale Adigu weli somaliya maku aragtay?=
1. Dameer ayaa Libaax ku yiri: Libaaxoow, Anigu Dadka ayaan u gargaara oo Culeeyska ayaan u qaadaa. Haddii ay Qof Caayayaana Dameer ayeey ugu yeeraan, Sababtu maxey tahay?
Libaaxii ayaa ku yiri: Sababatu waa, Dadku waa kuwo wanaagga inkiro. ( F.S:1aad).
( Dadka maxaad ula yaabee, Allahii, Abuuray ee wanaagga u sameeyay ayeeyba qaar inkireene)
2. Qof ayaa dhul beeray, ku daalay, ku dhididay, kadib markii uu guran lahaa wanaagii ayeey Dib u riixeen, oo safka gadaalo ayeey istaajiyeen.
Kadibna waxa ay bilaabeen in ay isku sawiraan GUUL ayna iyagu leheyn. ( F.S:2aad)
( Tanoo kale Adigu weli somaliya maku aragtay?)
3. Waxaa jira Qiso Carbeed oo leh, Dameer ayaa Qoraxda taagnaa oo kuleeylku gubayay. Eey ayaa Harkiisa ku raaxeeysanayay. Inta oo Dameerku Aamusan yahay Eeygu waa sii raaxeeysanaa ( F.S:3aad)
( inta Somalidu Qoraxda taagan tahay oo ay aamusan tahay, Ethiopiaanku waa Raaxeeysanayaa)
4. Nin Oday ah ayaa Laba Nin oo dhalinyaraa dhaxdooda fadhiistay.
Mid Labadii Dhalinyaro ka mid ah ayaa isaga oo ku xumeeynayo Odaygii ku yiri: Oday Adigu ma Jaahilaa tahay mise Doqon?
Odaygii oo dhuula cadeeynayo ayaa ku yiri: Labada ayaan u dhaxeeyaa oo aan dhax fadhiyaa ( F.S:4aad)
( Somaliya, Labadeey iyaduna dhax fadhidaa)
5. Nin ayaa Xaaskiisii kushiinka ugu soo galay kuna yiri: Afartaada Caruurta ah midkeed ugu jeceshahay?.
Waxa ay ku tiri: waan wada jecelahay dhamaantood.
Waxa uu ku yiri: Sidee Qalbigaagu ku wada qaaday dhamaantood?
Waxa ay ku tiri: Waa abuurka Alle, Hooyada Qalbigeedu waa wada qaadaa dhamaan Afarteeda Caruurta ah.
Waxaa ku yiri: waxa laga yaabaa hadda in aad Fahamtay, sida Qalbiga Raggu uu u qaadi karo Afar Xaas, waa abuurka Alle. ( F.S:5aad)
( maxeey kula tahay in ay ku jawaabtay?)
6. Peter Obi, ayaa yiri: Ma jiro, Wadan horuumari karo Haddii Siyaasadu ka faa’iido badan tahay Warshadaha. Wadan kuwa Dowladda ka tirsani ay ka dhaqaala badan yihiin,kuwa Hal abuurka leh iyo Shirkadaha. Wadankaa wax soo saarkiisu Waa Saboolnimo. ( F.S:6aad)
( Arintaan Somaliya ma ka jirtaa?)
Qore: Yahya Amir