Deg Deg: Al-Shabaab oo qiratay dilka Hogaamiye sare oo iyaga ka tirsanaa .(Magaca sarkaalkaas iyo halka lagu dilay.)
Kooxda AS ayaa qirtay dilka Sarkaal sare oo lagu dilay duqeyn ka dhacday deegaanka Kunyo-Barrow ee Gobolka Shabellaha Hoose.
Maxamed Mire Jaamac ayaa ahaa Wakiilka Kooxda ee Gobolada oo ay hoos-yimaadaan waxa ay ugu yeeraan “Wilaayaadka Islaamiga”
Waxaa uu ka mid ahaa hoggaamiyeyaasha sare ee Kooxda, sidoo kale mar soo noqday Hoggaamiyaha Kooxdii Jabhadda Caanoole ee Jubbooyinka lagu aas aasay sanadkii 2007, balse markii dambe ku biirtay AS.
War ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta DFS ayaa lagu sheegay in howlgal ay iska kaashadeen saaxibada caalamiga lagu dilay Horjoogahaas, waxaana uu noqonayaa Horjoogihii ugu sareeyay ee kooxda ee howlgal lagu dilo muddo labo sano, iyadoo sanadkii 2022 howlgal duqeyn ah lagu dilay C/llaahi Yare oo madaxiisa ay mallaayiin dollar la dul-dhigay