Nasashada Jimcaha. Q- 438=Ha ku daahin Doobnimada=.
1. Ha shukaansan Gabar Mobile – keedu Shaashadda ka jaban yahay, Mobile-kaasi waxa uu noqon doonaa Mashruuca ugu horeeyo ee aad Maal galiso. ( F.S:1aad).
( Mashruucii ugu horeeyay, ee aad Gabar u maal galiso muxuu ahaa?)
2. Gabar ayaa si sir ah u baaree Telephone ka saaxiibkeed, wax xiriir Haween ah ayey ka weeynee. Kadibna si caro leh ayeey u leedahay khaa’iin kuli waa ka tir tiray. ( F.S:2aad)
( Sidee loo qancinaa Haweenka) .
3. Buugga Xiriirka Jaceylka Qodobka 4aad,Faqradda 9aad.waxa ay leedahay Haddii Gabar Somaliya joogto aad Go’aansato muddo dheer in aad Saaxiibo ahaataan, waxa ay la kharaj tahay Adiga oo kafaala qaaday Agoon in aad Noloshiisa masuul ka tahay. (F.S:3aad)
( Shan Sano haddii aad Gabar wada socoteen, meeqaa kaaga baxday?)
4. Dooboow, ogoow haddii ay sii dheeraato mudadaada Doobnimadu, Xaaskaaga mustaqbalka waxaa ku sii socoto Xanta xanteeysi. ( F.S:4aad)
(Ha ku daahin Doobnimada) .
5. Haweeney ayaa tiri: waan Qoslaa mar kasta oo aan Maqlo Ragga oo leh Haweenka lama fahmi karo. Sideed noo fahmee sow lama dhihin, markii Nabi Aadam CS feertiisa laga abuurayay Xaawa, waa la hurdisiiyay Aadam CS, waxa uu soo toosay iyada oo dhinac fadhido, waadba huridee, sideed nagu ogaane, iska sii hurud. ( F.S:5aad)
( Sir naageed lama sal gaaro)
6. Somaliya Dadku waa wada shiid, waana wada wareersanyihiin, Maanta ayaan Bus raacay, Nin dhinaceeyga taagnaa ayaa madaxa iga xoqay, isaga oo u maleeynaa in uu madaxiisa Xoqayo. ( F.S:6aad)
( Shacabku waa wareeray, Allaah ha u gargaaro)
Qore: Yahya Amir