Shaqa la’aanta Dalka ka jirta.
1 min read

Shaqa la’aanta Dalka ka jirta.

Waxaan la kulmay Wiil heeysto Shahaadada Heerka Labaad ee Jaamacadda oo aan ku wada Shaaheynay Baar Caan ah.


Waxaan ku iri: maad shaqo raadsatid, jago ayaa ka banaan Wasaaradaas, waxaana maalgalinayo Hayad Caalamiya. Araajidana waa la qabanayaa, imtixaanna waa la galayaa.

Waxa uu igu yiri: Ma codsanayo jagadaa Banaan.
Waxaan ku iri : Maxaa dhacay?.
waxa uu igu yiri: waan hubaa in aanan heleyn Jagadaa, Sababta oo ah:

1. wasaarada soo bandhigtay shaqadaa, qof aan qaraabo nahay oo masuul ah ma joogo.
2. Masuul ii raadinayana ma lihi.
3. Lacag aan ku raadsado ma heeysto.
4. Qurba joog garab heysto ma ihi.
5. Hayadaa Caalamiyaa ee mashruuca maal galinee ima wadato.
6. Madaxweyne Maamul gobaleed ee wax uu ka tanasuli lahaa igu sariftana ma heysto.
7. Mucaarad la soo dumaa oo shuruudaha hoose igu darsadana ma heeysto.
8. Musharax igu dhibca badsado malihi.
9. Guddiga Shaqada iyo shaqaalaha Beesheeydu Xubin kuma lahan.
10. Mana sugayo in Hab sax ah loo mari doono shaqa qoridda.

Maxaan isku dhibaa Natiijadaba waan sii ogahaye.

Haddiiba ay dhici leheyd in aan raadsado oo aan helo, maba filayee. Mushaarka la i siinayo ma dhamo Baabuur raaceyga, waalidka, Saaxibada iyo kuwii aan shaxaadi jiray ayaan ku eedoobayaa waxa ayna i dhihi doonaa, waad shaqeeysaa ee isku filnaaw, waxna na sii, waxaa ii sii dheer qaaraanka Tolka.
Haddii aan shaqaa tagana waxaa madax ii noqonayo mid aan ka aqoon badanahay oo shaqadaba aan aqoon, fashilka xafiiskana Anigaa la igu eedeeynaa.

Runtiis miyaa?

Qore: Yahya Amir