Muqdisho oo Laba Maamul yeelanee!!!.
2 mins read

Muqdisho oo Laba Maamul yeelanee!!!.

Xildhibaanoow. Kala dooro, maamul ku qixiyo iyo mid aad nabad kula noolaato.

1. Sharciga ay dajiyeen Gudiga loo xilsaaray Doorashada, Golaha wasiiraduna ay ansixiyeen ka fiirsasho la’aan, oo u muuqdo in laga soo minguuriyay kii isticmaarku markii uu Afrika imaanayay, kaa oo lagu duudsiyay Xuquuqda Dadkii isticmaarku u yimid. Sharci ku sheegaan oo hadda loo wado Baarlamaanka. Waxaa ka dhalan karo maamul ay ka soo horjeestaan shacabku, kaa oo sababi karo Dagaalo ka qarxo magaalada, waa sida ay qorsheysteen kuwa Diidan nabadu, Gudigaa Mogdishu u sameynaa Sharciga madaxdiisu kama soo jeedaan deegaanka, waxa ayna soo gudbiyeen Sharci ay ku burburinayaan deegaanka oo ka duwan kii ay ku dhisteen deegaanadooda, Caasimadaha 1aad, 2aad iyo 3aad, ee Dalka Somaliya waxaa lagu dhisay Saddax sharci oo kala duwan, si deegaan gaar ah xaqiisa loo dhumiyo, taa oo ah in Magaalada loo aasayo Abuur miro Birri ku qarxayo. Qof iyo Cod Xildhinaan qaran ayaa lagu dooran karaa Mogadishu, laakin Xildhinaan deegaan Waxaa lagu doortaa Qof iyo Cod isla deegaanka ah ee Ma ahan Cashuuraan bixiyaa iyo Hooyadii ayaa halkaan Foolu ku qabatay, meel kasta ayey ku qaban kartay, meel kastana kama codeey karto. Weli ma aragtay Xildhiaano talo ku leh maamulka deegaanada sida loo dhusayo.

2. Waxaa kale oo jiro Dastuur ay degsadeen Dadka deegaanku una Codeeyeen ergooyinka dhamaan wakiilada Beeluhu. Waa Maamul kale oo ku dhalanayo rabitaanka Bulshada, loona dhiso sida deegaanada kale ee Dalka. Qolo walibana ay ugu codeeyso saamiga loo qoondeeyay si Qof iyo Cod ah. Kaa oo looga badbaadi karo Dagaalo ka dhaco magaalada iyo Burbur ku yimaad Qaranka.

FG: Ma diidanin in Qof iyo cod lagu doorto maamulka, laakin marka hore waa in la cadeeyo qolo waliba Saamiga ay leedahay. Yaa xaq u leh in uu wax doorto ama la doorto. Haddii ay taasi dhici weydo waxa ay sababee, in xasilooni daro ay bilaaban karto, in Baarlamaanada hadda jiro iyo Nidaamka dowligaa lagu kala tago.

Waxaan ka digaa Qaxii 4aad in uu ka dhaco magaalada, kii 1aad waxa uu ahaa Madaafiicdii Maraakiibta Ingriisku ku garaacday magaaladda ee Xaafadihii markaa jirayna laga qaxay. Kii 2aad waxa uu ahaa kii Magaalada looga qaxay Cudurka Daacuunka. Kii 3aad waxa uu ahaa Dagaaladii 1990 iyo wixii ka dambeeyay. Kan 4aad waa kan Gudiga Daatuurku ay qixiyeen Dadkii magaaladda 2024-2015.
Haddii aad beensee Qormadaan, waan sugeynaa waxa soo socdo. Ishaan meel fog wax ka arageey dhac.

Shartooda Allaah ha naga badbaadiyo. Xildhibaanoow, Codkaaga ha isku qixin. Si kaata oo la isagu dayo in la hirgaliyo Sharci ku sheegaan si buuxda ayeey uga soo horjeedaan Dadka magaaladu.

Qore : Yahya Amir