Nolosha Hal dhinac haka fiirin!!! Faallo=
Wax lala yaabo ma ahan in aad yurub iyo wadamada qaar ku aragto “wadan taajir ah Dadkiisuna Tuugsanayo” .
Hala yaabin Haddaad Somaliya ku aragto “Nin Ceel biya badan ku dhax jiro oo ooman” .
Mareykanaka wax badan ayaan ku arakay Dad Cooshado degan iyo kuwo Tuugsanayo oo aan Makhaayadii aan ku jiray wax ka cuni waayay tuugsigooda dartiis iyo kuwo jidadaka taagan oo tuugsanayo.
London waxaan ku arkay, Dad cooshao degan weliba meel u dhaw Guriga Boqoradda, Sawirkaan Anigaa Gacanteeyda ku qaaday ( F.S: 1-2aad)
Somali Darbiya jiif ahna waan arkay.
Wadamada Taajiriinta ah oo dhan ha u maleyn in nolol wanaagsan lagu wada noolyahay. ( F.S: 3-11aad)
Wadamada yurub, waxa ay na siiyaan Lacag Cayr ah iyo Mucaawino, haddana dhowr Million oo Caruur ah ayaa yurub Habeenkii Baahi la seexdo. Qofba Allaah ayaa meel ka irsaaqay.
Calafkaaga ayaad Cunee ee Xaaraan iska ilaali, Dalkeenana Kuwii iimaansado Allaah ha naga dhigo.
Qore: Yahya Amir