1 min read
Maleeshiyaad ka tirsanaa Al-Shabaab oo isku soo dhiibtay Ciidamda Dowladda.
Guddoomiye Ku-xigeenka degmada Xarardheere ee gobolka Mudug Mudane Maxamed Abshir Jiirow ayaa Warabaahinta Qaranka u sheegay in 7 kamid ah Khawaarijta ay maanta isku soo dhibeen Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka ee ka howlgala aagga degmada Xarardheere ee gobalka Mudug.
Dhallinyaradaan ayaa markii la wareystay waxay sheegeen inay u adkeysan waayeen duqeymaha iyo weerarrada tooska ah ee Ciidamada Xoogga Dalka iyo shacabka deegaannada Galmudug ay kala kulmeen, isla markaana ay go’aansadeen inay isku soo dhiibaan dowladda.