Nasashada Jimcaha. Q-434=ogow, Qalbi wanaagaaga Dadaa kugu qoonsahaa=
3 mins read

Nasashada Jimcaha. Q-434=ogow, Qalbi wanaagaaga Dadaa kugu qoonsahaa=

1. Oday Ruun nirgood joogay ayaa arkay Nin isku heysto in uu Bulshada wax taro, laakin wax uu ku wanaagsan yahay ayna jirin, markaa ayuu yiri: Hebaloow, waxaad Tahay Ceesaan Afka Baryo ku leh, Ducdana Buul ku leh, Dabada Ban ku leh. Meel lagaa kaashaa ma jirto. (F.S:1aad).

( Dalka meeqa siyaasi ayaad taqaan oo aan leheyn meel laga qaato oo ay ku fiican yihiin)

2. Degmada Hodon ayaa Nin gurigiisa hor fadhiyo waxaa u yimid laba wiil oo madaxtooyada ka shaqeyso, waxaa ay ku yiraahdeen ma taqaan Ra’isul Wasaaraha. Waxa uu ku yiri: Wiilasheydiyow xaafadda waa ku cusubahay ee Reerahaa weeydiiya.

( Dhalin yarada, ka shaqeyso Xafiisyada Dowladu yeyna u maleeyn in Dadka oo dhan ay u fikirayaan sida ay iyagu u fikiraan)

3. Sh. Cabdi oo ahaa Nin Xaafadda aad looga jecelyahay, oo subax kasta deriska bariidiyo, Qofkii uu arkana soo dhaweeyo, ayaa Dabeecad wanaagiisa dartii maanta loo wax yeeleeyay, kadib markii isaga oo waddada Degmada Howl wadag marayo ayuu Taxi Joojiyay si uu u salaamo Dadkii Taxiga saarnee, iska warama, xalay ma barideen, Caruurtu seey idiin yihiin, in kasta uuna aqoon haddana qalbiga wanaag ayeey ka aheyd. Sh. Cabdi waa garaaceen Raggii Taxi-ga saarnaa iyaga oo leh ma intaa ayuu wakhtiga nooga qaaday.

( ogow, Qalbi wanaagaaga Dadaa kugu qoonsahaa)

4. Aabe iyo Hooyo ayaa wiil ay dhaleen oo war barad ah ayaa kalmadii u horeysay ee uu ku dhawaaqay waxa ay aheyd Ayeeyo, Maalin kadib Ayeeydii ayaa dhimatay. Kalmadii labaad ee uu ku dhawaaqay waxa ay aheyd Bisad, Bisadii Cidda u joogtay ayaa dhimatay Maalin kadib. Kalamddii saddaxaad oo uu ku dhawaaqay ayaa Noqotay Aabe.
Aabihii Naxtin, ma tukan jirin ee Salaad ayuu Bilaabay, waana Dardaarnay, Laakin Maalin kadib waxaa dhintay waardiyihii Guriga. (F.S:2aad)

( Siyaasadda Dalka wax badan oo welwel kugu hayo amaa Rag kale ka dambeeyaan)

5. Nin ayaa Xaaskiisu waxa ay u leheyd Lix Caruur ah, aad ayuu u jeclaa una dhowri jiray, Xaafadda Waxaa looga yaqiin “Umu sitta”. Hooyadii lixda Caruurtaa.. Maalin ayeey isku raaceen Xaflad, wakhti dambe ayaa la gaaray, waxa uu ku celceliyay, na soo bixi Umu siteey, iyada oo careeysan ayey ku tiri:Deg degta naga dhaaf “Abuu Arbacoow” Aabihii Afartoow. Odaygii Naxtin.

( yaah)

6. Wiil ayaa Nin Shiikh ah ku yiri: Shiikhow, waxaa Jirto Haweeneey aan aad iyo aad u jecelahay, Ninkeeduna waa ogyahay in aan aad u jecelahay, Hortiisa ayaan Ciribta iyo Daanka uga dhunkadaa. Shiikhow Dambi miyaa iga soo gaaraa?
Shiikhii ayaa yiri: Adiguna Daalim ayaad tahay, isaguna waa Danyuus.

Wiilkii ayaa yiri: shiikhow wax hubso, Qoftu waa hooyadeey, Ninkuna waa Aabahey. ( F.S:3aad)

( maxaan Arkay, kuwo iyaga oo aan wax hubsan, Comment ii soo qoro oo leh:Haddii Aqoon yahankii sidaa u hadlayo kuwa kale maxaad u maleynee)

Qore:Yahya Amir