Xasuus qorkii Dooliga Xamar!!!.
Dooli ku dhashay Xaafadda Waberi ee Magaalada Mogadishu, ayaa qoray Xusuus qor uu uga hadlayo Noloshiisii Magaalada, kuna ururiyay Xog badan oo aynan ogeyn Dadka qaarkii, Waxaa uu habeenkii ku wareegi jiray Guryaha, khatar badan ayuuna kala kulmay. (F.S:1aad).
Qoraaladiisa Qeybta ugu muhimsan waxa ay aheyd Labo cutub:
1. Habeenkii waxa uu gali jiray, Sariiraha Hoostooda, kuwa Aroosyada, kuwa Shukaansiga, kuwa Madaxda Sare, kuwa Wasiirada iyo Xildhibaanada, kuwa Doobabka. Kuwa Duubabka dhaqanka, kuwa Madaxda Gobalka, Waxa uu dhageysan jiray Telephonada saqda dhexe kuwa shukaansiga, kuwa Siyaasadda, kuwa Wiiftada, kuwa shirqoolada, kuwa Ajnabiga la xiriirayo iyo kuwa kale.
2. Maalintii, isaga oo ku dhuumanayo Miisaska Xafiisyada hoostooda, Waxa uu tagi jiray, Shirarka Ganacsatada ee Suuqyada, bakhaarada, Makhaayadaha, Bangiyada, Xawaaladaha, Xafiiyada Dowladda, Maxkamadaha, Safaaradaha, Xarunta Xalane iyo kuwa kale.
Xogtaa waxa uu soo ururiyay isaga oo ka cabsanayo Cadawgiisa 1 aad ee Bisadda iyo kan 2aad ee Beni aadamka ah.
Haddii Allaah idmo waan idinla wadaagi doonaa qeybo ka mid ah Xusuus qorka Dooliga.
Inta aanan kuu soo gudbin wixii aan ka akhriyay Xusuus qorkii Dooliga xamar, Adiga maxeey kula tahay xogta ku qoran Xusuus qorka Dooliga ee uu soo ururiyay?
Qore:Yahya Amir