Nasashadda Jimcaha. Q-433=Kii dhisay iyo kii dumiyay yaa kula saxan? =
2 mins read

Nasashadda Jimcaha. Q-433=Kii dhisay iyo kii dumiyay yaa kula saxan? =

1. Sac Hindiya ka yimid iyo Dameer Wadamada Carabta ka yimid ayaa isku faanay.
A) Sacii Hindiya ka yimid ayaa yiri: Ma ogtahay in Hindiya Lo’da Cibaado ahaan naloo karaameeyo, oo aan ka sareyno Mashaa’iikhda Hindiya.
B) Dameerkii ayaa yiri: Adigu ma ogid miyaa in wadamada Carabta kuwo aan isku caqli nahay ay madax ka yihiin, Lagana yaabo in aan Anagu ka dhaxalno. ( F.S: 1aad).

( Bisad Dooda maqleysay ayaa tiri: Doodan waxaan soo xasuustay kaalinta Madaxda Carabta iyo Falastiin)

2. Nin Xildhibaan ah ayaa Gabar ku yiri: Culimada Saynisku weli waxa ay baarayaan Sababta Haweenku ay mar kasta u qaataan Boorso weyn iyo mid yar oo wada Faaruq ah, iyaga oo wax Lacag ahna aan sidan.
Gabadhii ayaa tiri: Xataa Culimada Saynisku weli way baarayaan Sababta Xildhibaanadu marka la soo doorto ay u yimaadiin iyaga oo wato Boorso faaruq ah, marka ay baxayaana ay u wataan Boorso Lacag ah. ( F.S: 2aad)

( waa maxaay Xiriirka ka dhexeeyo Labadaa Boorso?)

3. Taalladaan la leeyahay waxaa laga dhisay punt land, haddana qolo kale ayaa burburisay. Ma Runaa ma Beenaa?, Sababta loo dhisay ma Hungriyaa?, ma Americaan iska gadaa?, , ma kii la dagaalay tooshka ku daaraa?, Ma doqonnimaa? , ma siyaasadaa? , Ma Aakhiro beelaa? , ma Hiil walaalaa?, ma xoola doonaa?, ma Diin la’aanaa? . ( F.S:3aad)

( Kii dhisay iyo kii dumiyay yaa kula saxan? )

4. Haddii Saaxiibtaa ay Fariin “Message” kuu soo diri weydo maalin dhan. Taan lafteeda ayaa fariin ah. ( F.S:4aad)

( Haddii aad Siyaasiga arki weydo Hal sano, taa lafteeda ayaa fariin ah ee iska daneeyso)

5. Iska hubi Caanaha aad shaaha ku cadeeysanee. Waa Suuqyada Carabta ku soo bilaawday Caano laga soo lisay Haweenka Muritaaniya lana siiyo Caruurta. ( F.S: 5aad)

( Horta Caanahaa weli Dalka ma soo gaareen. Ganacsatadeena ayaan aqaane, ameey yiraahiin Caanaha Haweenka Somalida ayaan Dibadda u dhoofeeynaa, ameey ilmaha Jal nooga dilaan. Siyaasiyiintuna yiraahdiin waa fasax hadiiba Canshuur laga helayo)

6. Somalida Duul u fool eg oo isdadaa ayaa ku dhax jiro ( F.S: 6aad)

( waa kuwee?.)

Qore: Yahya Amir