Naqshadda Dekadda Cusub ee Soomaaliya+Sawirro
Mar mar waxaad is leedahay, Somalida Wixii siyaasad ah ha lagala tashado, kuba heshii ma doonaane, laakin wixii dhaqaala kobcin ah, iyada oo aan lagala tashan hala fuliyo.
Dekadda Cudub ee Xamar, iyada oo aan Dad badan lagala tashan waxaa la sameeyay Daraasad ah, Dekad ma noqon kartaa, maxaa laga faa’iidaa Baahi ma loo qabaa, meeqa Dal ayaa ka faa’iidee?.
Kadib waxaa la sameeyay Sahaminteeda, Quusayaal ayaa la keenay, Wadamo Jarmalku ka mid yahay ayaa ka qeyb qaatay, dhagxaha Badda hoosteeda ayaa loo qaaday shay baar.
Markii la hubiyay in ay suuragal tahay faa’iidana ku jiro, ayaa la sameeyay Naqshadeeda qeybta Free port, qeyb warshado ah, qeyb ah Magaalo kaamila oo dekadda la xiriirto, iyo wixii Dakadu u baahneed oo dhan.
Shirkad Turkey ah ayaa Balan qaaday in ay dhisee, Saamileey Caalmka ahna ay Lacagta ka soo ururinee.
Intaa haddii Dadka qaar lagala tashan lahaa laguma guuleysteen, waxa la ogeysiinaa Marka la dhagax dhigaa iyo Marka la furaa. ( F.S: 1-24aad)
Waa shaqo aad u baahan tahay oo Adiga oo aan ogeyn laguu qabtay.
Sideed u aragtaa?
FG: wixii ka khaldan ka sax, wixii ka dhimanna ku dar.
Qore: Yahya Amir