
Guul Beesha Caalamka iyo Somaliya!!!.
1. Nigeria oo dhibaata culus ay heysato oo la dhutinee Dhibaatada, ayaa waxaa u soo gurmaday IMF, aad ayeey ugu farxeen, markii loo keenay Biro Dayn ah oo ay ku socdaan si ay u helaan dhaq dhaqaaq dhaqaale.
Laakin muddo kadib waxa ay Nigeria ogaatay in Halkii Lug oo ay ku dhutineysay Laga qaatay. ( F.S:1aad).
2. Nin Afrikaan ah oo Kaluumeysato ahaa kuna go’doomay Jasiirad ayaa waxa uu arkay Markab u soo socdo, aad ayuu ugu farxay. Markii ay u yimideen weey isku sawireen, Kadibna wey ka tageen, si ay Caalamka ugu sheegaan dhibaatada Ninkaa heeysato. Waxa ay leeyihiin Haddii aan Badbaadino sideen Dadka uga dhaadhacsiineynaa in aan mucaawino u soo ururino, Macaawinada Halkiisa ayaan ku siineynaa, si uu dhibaatada ugu sii jiro, Annaguna aan u ahaano deeq bixiyayaal. ( F.S:2aad)
3. Caalamka ayaa u jeeday Somaliya oo Bad Colaadeed dhax muquuree, si deg deg ah ayeey ugu soo gurmadeen, waxa ay ka dhax arkeen wax yar oo dhaldhalaalayo oo iyaga Anfacaa. Saacadii ay ku ogaa leheed Somalid in wakhtigu ku socdo ayey ka soo qaateen, weyna isaga tageen (F.S:3aad)
Afrika waxaa ka jiro, Madax sida Baabuurtii hore ay Dhuxusha ugu socon jirtay, iyagana Dollar lagu Cabeeyo si ay Dadkooda ugu sheegaan in Beesha Caalamku ay saxan tahay. ( F.S:4aad)
Saaxiibkey ayaa igu yiri: Guul Beesha Caalamka waxaan uga mahadcelineynaa sida Beniaadamnimada leh oo ay noogu soo gurmadeen.
Aniguna waan iska aamusay, ileeyn Cajal Caalamiya ayaa hore loogu rakibay Saaxiibkeey, Garna iga qaadan maayo. Isaga oo aan ogeyn Somaliya Halka lagu Luga doobay iyo sida loo Luga duubay.( F.S:5aad)
Adiga maxey kula tahay?
Qore: Yahya Amir