Nasashadda Jimcaha. Q- 429 =Saaxiibtinimada wadamada qaar lagama fiirsadoo=
3 mins read

Nasashadda Jimcaha. Q- 429 =Saaxiibtinimada wadamada qaar lagama fiirsadoo=

1. Tuulo yar ayaa waxaa ay leheyd Hal Isbital, waxaana ka shaqeynay Hal Naag oo kal kaaliso Caafimaad ah. Dadka Bukaanka ah ee Isbitaalka la keeno Badankoodu waa dhintaan. Nin ka tirsan wasaaradda Caafimaadka ayaa yimid Tuuladii waxa uuna ku eedeeyay Haweeneydii in Aqoonteeda caafimaad ay liidato.

Laakin taa waxaa lagu beeniyay Cadeeymaheeda wax barasho.
Waxaa haddana loo soo diray Nin Police ah oo ka tirsan CID-da, waxa uuna cadeeyay in Naagtaani aynan wax Mushaar ah qaadan, Dhakhli kalena uuna soo galin, laakin Ninkeedu uu yahay Qubuura qodaha Tuulada Reerkana uu biilo iyaduna ay isaga shaqo u abuurto.

( Shaqaalaha aan Mushaarka la siin ee ku badan Xafiisyadda Dowladda wax ma la iska weeydiiyay ? )

2. Gabar ayaa wiil Qareen ah ku shukaansaneysay Baar ku yaal Xeebta LIIDO, waxa ayna ku tiri: Casho ayaan Rabaa, waan Baahanahay. Waxa uu ku yiri: Cadeeyn aan Go’aankeyga ku xoojiyo ma u heeysaa Baahidaada. ( F.S:1aad).

( Gabdhow ogaada Xirfadda Qofka iyo Hab nololeedkiisa Xiriiraa ka dhexeeyo)

3. Nin Baadiyaha ka yimid ayaa la yiri: Xisaabta hala baro. Xisaabta Ku Dar waa la baray, laakin ka Jar ayaa la fahamsii waayay. Nin kale ayaa yiri: Anigaa fahamsiina. Waxa uu yiri: Haddii 30 ido ah ay Mooro kuugu jiraan oo habeenkii Hal ka mid ah uu Boowdka jabsado oo uu banaanka u baxo, meeqaa kuu haree?
Kii Reer Baadiyaha ayaa yiri: Idaan dabcigooda aqaane, haddii hal Neef uu baxo, waa is wada daba kacaan, waxna ku hari maayaan Moorada.

( Haddii aad Qof wax fahamsiinee, tusaale ha ugu soo qaadan wax uu kaaga aqoon badan yahay. Waan soo aragnay, Nin kuliyad siyaasad ka soo baxay, oo Nabadoonku uu siyaasadda u sharxaayo iyo Nabadoonka oo siyaasi u soo xulaayo )

4. Maxamud Darwiish ayaa yiri: Adiga, wixii gadaashaada lagaa sheego, haddii ay sax yihiin, Hortaadaa laga sheegi lahaa. Nasiibkaa, waxaad helee, Xasanaad aadan ku dhibtoon helidiisa, Dambigaagana isagaa qaadaa. ( F.S:2aad)

( Ar Xanta Fareeshka ah, ma leeyska dhaafoo, Dadka hortooda ka sheeg sida aad wax u aragto)

5. Jibraan khaliil Jibraan ayaa yiri: Abeesada Xattaa haddii aad Malab siiso, isma bedeleyso Suntii ay dhaqanka u leheyd. Sidoo kale Dadka qaar, wanaag kasta oo aad kula macaamisho, ama Hadal kasta oo wanaagsan oo aad ku tiraa isma Badalayaan. ( F.S:3aad)

( Amxaaro wanaaji maag ee Malab sii, kadibna Farta Afka u gali, hayeey Ar Saaxiibtinimada wadamada qaar lagama fiiraadoo)

6. Haddii Saaxiibtaa aad ku tiraa: waan ku jecelahay, waxa ay ku leedahay. Anigaa kaa daran, intaa iyo in ka badan. Haddii aad tiraa waan kuu hiloobay. Waxa ay ku leedahay, Anigana intaa iyo in ka badan. Haddii aad ku tiraa, waxaan EVC kuugu soo diraa 100 Dollar. Ha sugin in ay ku tiraa: Anigana intaa iyo in ka bafan. (F.S:4aad)

( No Comment)

Qore: Yahya Amir