Dowladda Jabuuti oo been abuur ku tilmaamtay warar laga faafiyay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.
1 min read

Dowladda Jabuuti oo been abuur ku tilmaamtay warar laga faafiyay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

  1. 24-kii saac ee la soo dhaafay waxaa baraha bulshada hadal hayn weyn ka dhalisay xaaladda caafimaad ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Dowladda Jabuuti ayaan war rasmi ah ka soo saarin xaaladda Madaxeynaha basle wasiirka Maaliyadda iyo Qorshaynta ee Jamhuuriyada Jabuuti Ilyaas Muuse Dawaleh ayaa bartiisa X ee horey loo oran jiray Twiter wuxuu kaga hadlay xaaladda Madaxeynaha isagoo ku bilaabay qoraalkiisa ‘‘Waan ka xumahay Necbanayaal’

“Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle waa fiican yahay, aad u fiican runtii, qof wuu ka heli wayn karaa hoggaamiye isagoo necbaada, heer uu gaaro inuu ku habaaro dhimasho qof muslim ah, haa waa jirtaa dhibaato uu ka qabo jilibka midig, maxaa ku jaban, waa qof bini’aadam ah oo aniga iyo idinkaba idinla mid ah” ayuu barta X, ku soo qoray wasiirka Maaliyada iyo qorshaynta Jabuuti Ilyaas Muuse Dawaleh.

Dhanka kale ma aha markii ugu horeysay ee baraha bulshada lagu faafiyey warrar la xiriira xaallada caafimaad ee Madaxweyne Geelle, sanadkii 2021-kii ayaa si weyn loo qaada dhigay caafimaadka madaxweynaha balse warrarkii la faafiyey xilligaas dowladda Jabuuti ayaa ku tilmamaay kuwo been abur ah.