Nasashadda Jimcaha. Q- 428=Siyaasiyoow, Kursiga aad ku fadhido hoos ma u fiirisay?=
1. Luul ayaa saaxiibteed Hani yareey ku tiri: Wiilkaagu tima jilacsan oo qurxan ayuu leeyahay, ma aabihii ayaa ayaa sidaan u tima qurxanaa?
Hani ayaa tiri: Timahiisa maba arag, 6 Bil ayuu i qabay, markuu Qurbaha ka yimid, Habeenkii ayaan ku kulmi jirnay Hotelkiisa Hal marna koofida iskama bixin. ( F.S:1aad).
( Siyaasiyiinta inta aan Xil loo dhiibin, koofida ha laga bixiyo, Taariikhdooda dib ha loo raadiyo, si siyaasadda ay dhali doonaan aan u ogaano)
2. Oday Cabdulle ayaa saaxiibadii ugu faanay, Xalay ayaan xaaskeeyga is dagaalnay, Jilbaha ayaana dhulka u dhigay. Waxa ay ku yiraahdeen waan kugu ogeyn Raganimadaa. Laakin waxaa la ogaaday in ay ka adkaatay oo sariirta xoosteeda uu ku cararay. Iyada oo raadinee ayeeyna Jilbaha dhulka dhigatay. ( F.S : 2aad)
( Xaaskeeyga ayaan garaacy wax lagu faano miyaa, in lagu amaano kii wax dilay ma amaanaa? Aakhiro samaan Ceebtaa lagu faanaa)
3. Wax kastaa oo Aduunyada jiro faa’iido ayeey leeyihiin. Mar mar Six pack, waxaa dhaamo one pack. ( F.S: 3-4aad)
( Mooryaanku mar ayuu dhaamaa Aqoon yahanka, Xaaladda markaa la joogo ayeey ku xiran tahay).
4. Axmed showqa ayaa yiri: Haku qeylin Qofkii ku baray sida loo hadlo. ( F.S:5aad)
( Ar iska ilaaliya Caasi waalidiinnimo)
5. Horta Somaliya meeq Dowladdaa ka jirto. ( F.S:6aad)
( No comment)
6. Siyaasiyoow, Kursiga aad ku fadhido hoos ma u fiirisay? ( F.S:7aad)
( No Comment)
Qore :Yahya Amir