Munaasabad tartan Isborti lagu soo gabgabeeyay iyo sagootin loo sameeyay macalin Guduudow oo ka dhacday MeerTaqwa.+Sawiro iyo Vedio
Xaflad balaran oo ay ka soo qeybgaleen maamulada Degmooyinka MiirTaqwa Ceelbaraf iyo Biyacadde ayaa waxaa kale oo ka soo qeybgalay Ururada Bulshada, Bahda Waxbarashada, ururada Haweenka, waxgaradka labada Degmo iyo Bahda Isbortiga.
Waxaa halkaasi ugu horayn lagu soo gabagabeeyay tartan isboorti oo lagu maamuusaayay ciyaaryahan hore u ciyaari jiray Naadigii Wagad ama FIAT oo lagu magacaabi jiray Xuseen Xasan Kulmiye.
Tartan lagu maamuusaayay ciyaaryahankii hore ee WAGAD ayaa waxaa ka qeyb qaatay 6-koox, waxaana halkaasi lagu bixiyay Abaalmarino kala duwan iyo koobab la gudoonsiiyay kooxihii 1-aad iyo 2-aad kala galay.
Sidoo kale munaabada ayaa waxaa lagu sagootinaayay Macalin Guduudod oo halkaasi tababaro in muddo ah ku gudoonsiinaayay Macalimiin iyo Ciyaaryahano Deegaanadaasi ka soo jeeda.
Ugu Dambayntii waxaa halkaasi hadalo ka soo jeediyay qeybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan Degmooyinkaasi oo ay ugu horeeyeen Haweenka, ururada Bulshada, Waxgaradka deegaanadaasi, Taliyaha Amniga Ceelbaraf iyo madax kala duwan.
Dhanka kale Degmooyinkaasi ayaa muujiyay sida ay ugu faraxsan yihiin Horumarada kala duwan ee xaga Isbootiga ka gaareen.