1 min read
Itoobiya oo ka walaacsan hub culus oo la soo gaarsiiyay Soomaaliya.
Diyaaradaha qumaatiga u kaca ee loo yaqaano Helicopters-ka ayaa dul heehaabaya Dekeda Magaalada Muqdisho, kadib markii Markab dagaal oo laga leeyahay dalka Masar uu ku soo xirtay hubkii labaad ee ugu weyn Magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya.
Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya ayaa ka digay in saanadda Soomaaliya la keeno ay sii xumeyn karto colaadda, loona weeciyo argagixisada, sidaas waxaa sheegtay wakaaladda wararka ee Itoobiya Talaadadii.
Dhanka kale wasiirka ayaa hadalkiisa yimid maalin kadib markii Markab dagaal oo laga leeyahay dalka Masar uu hub culus ka soo dejiyay caasimadda Muqdisho.