Nasashadda Jimcaha. Q- 427=Qooleyda Masagada loo daadiyo ayaa lagu dabaa, si hilibkeeda loo cuno=
1. Nin Qalbi wanaagsan ayaa yiri: Dadka magaaladu Dabeecad Xumaa. Taxi ayaan joojiyay Si Dadka saaran aan u salaamo. Kadibna waa i caayeen. ( F.S:1aad).
( Dadka Qalbiga wanaagsan, Aduunka waxa ay la kulmaan khatar badan oo uga timaad Dadka qalbiga xun oo dunida ku badan)
2. Siyaasigu wixii uu ku shubto shacabka wakhtiga ololaha Doorashada, waxa uu ka shubtaa haddii la doorto. (F.S:2aad)
( Qooleyda Masagada loo daadiyo ayaa lagu dabaa, si hilibkeeda loo cuno)
3. Haddii aad taqaan 10 Qof oo qaraabadaada ah oo Bakhiila, waxaad tahay Saaxibu shaxaad ama Nabadoonkii Cidda. ( F.S:3aad)
( No comment)
4. Doorashaa soo dhaw ayaa la yiri, Beer dambe in aan falo la iguma ogo, si fiican ayaan u soo labistay, Qurba joog Xildoon ah ma u ekiyoo. ( F.S:4aad)
( Qurba joogeey raali ahaada, waa idinku daysanay ee khalad kale ma sameeyn)
5. Waxaan soo gatay dharkii ay xiran leheyd Jaceylkeygu Habeenka arooskeena, Hadda waa in aan raadiyaa, Gabar aan arooso oo dharkaan ku haboon.
(Qorshahaas Saaxiibadaa yaad ku taqaan)
6. Madaxdu ma khaldantu, Haddii Madaxdu khaldanto, khaladka waxaa leh ku xigeenadda, iyaguna eedda waxa ay saaraan Xildhibaannada, iyaguna ugu dambeyn Eedda waxa ay u sii gudbiyaan Shaqaalaha. ( F.S: 6aad)
( weeydii Shaqaalaha. xxx)
Qore: Yahya Amir.