Nasashadda Jimcaha. Q-426=Been Siyaasi kuu sheego, tee kuula weyneyd=
1. Koo saaxiibkey ah 10 Sano ayuu London joogay, magaaladana ma kala yaqaan.
Waxa uu igu yiri: inteed Joogtaa aan kuu imaadee?. Waan ku iri: Sarta Dheer oo Buluugaa, Agteedana Baabuurtu safan tahay, Haddana ay Hor maree Naagta Dharka Gaagaaban wadato dhinaceeda ayaan joogaa. Waxa uu iigu jawaabay meeshaas ma aqaan.
London muxuu ku sameey jiray, Hadduuna kala aqoon meeshaan u tilmaamay, ma gurigow ku xirnaa jiray.
( Anigaa ka gar daran ayaan u maleynaa)
2. Koo Reer Burco ahaa oo London ku cusub ayaa Saaxiibkii weeydiiyay Adeerow, Saacadaa weyn ee Dhismahaa Dusha laga saaray maxeey aheyd.
Saaxiibkii ayaa ku yiri: Waa Saacaddii ay Xiran jirtay Boqoraddii Engriiska ” Queen Elizabeth”. Waxaa la yira waxaa la yiraa: Big Ben. Kii Reer Burco ahaa ayaa yiri: War islaantu Gacan weyneedaa. ( F.S:1).
( taasi waxa ya muujinee, Dad badan oo ingriska Joogo, in Duqoowshada Ingriisku la weyn yihiin. Ar waa Dad Adinkoo kalaa ee Sideey idiinla dhaqmaan ula dhaqma)
3. Siyaasiyiinta Qaar halka ay Been ka gaareen, Xattaa Haddii iyaga oo Naarta ku jiro oo la cadaabayo la weeydii lahaa. Halkaan maxaa ku keenay?. Waxa uu ku leeyahay kuwo Mucaarad igu ahaa ayaan soo booqanayay. ( F.S: 2aad)
( Been Siyaasi kuu sheego, tee kuula weyneyd)
4. Nin Siyaasi ahaa ayaa yiri: si kasta oo aad daacad u tahay oo aad Runta u sheegto, kama badbaadeeysid Dad xumaan kugu sheego, sidaa Daraadeed Sameey wixii aad Sax u aragto ee kula quman, Dadkana Taladooda ka dhageysan. ( F.S:3aad)
( Nuucasi, waa badan yihiin ee Labo ka sheeg)
5. Guud ahaan Maamul Gobaleed yadoow, Haddii aad Dadkaaga iyo Dalkaaga Cadaw ka raacee, Walba meel fiican ka qabso yuuna kaa tagine. ( F.S:4aad )
(No Comment)
6. Ar Reer Mudugaa, Hooyo ayaa Gabarteeda ku waanisay, Haddii inta aad joogto Xafladda Arooska ay Kabahaaga Midi kaa dhunto, yaan lagu dareemin ee Socodka iska Habeey. ( F.S:5aad )
( Xildhibaanadana kabo ay ku soco yaqaaniin, marka hore ha loo galiyo)
Qore : Yahya Amir