Nasashada Jimcaha. Q- 425=Ar Baraha Bulshada ha nagu dhiginina Siyaasiyiinta Numbarkooda.
2 mins read

Nasashada Jimcaha. Q- 425=Ar Baraha Bulshada ha nagu dhiginina Siyaasiyiinta Numbarkooda.

1. Somaliya waxaad ku arkee Nin Guri uu dhistay 20 Sano ka hor Kiradiisii kugu kordhinayo. Markaad weeydiiso Sababtana ku leh, Shamiindadii ayaa qaali noqotay. ( F.S:1aad).

( Ganacsatada Somalidu Haddii ay Ascaarta kugu qaali rabto, Qiil kuuma waayaan)

2. Haddii Gabar ay ku siiso Mobile Numbarkeeda, kadibna kaa qaban weeydo wicitaankaaga.
Adiguna Numbarkeeda Dhig Baraha Bulshada kuna soo qor ( Numbarkaan la soo xarrir haddii aad shaqa doon tahay, iyadaa wareeri doonto). ( F.S:2aad)

( Ar Baraha Bulshada ha nagu dhiginina Siyaasiyiinta Numbarkooda)

3. Nin ayaa Gabar uu soo guursaday, Habeenkii kowaad ku yiri: Runta iska sheeg, Caawa ka hor meeqa Rag ah ayaad la soo seexatay?. Waxa uu ku yiri: 30 Daqiiqo ka hor ayaan ku weeydiiyay Su’aashaa, welina iima aadan jawaab, maxaa kugu dhacay?
Waxa ay ku tiri: i sug weli waan tirinaa inta Rag oo ay ahaayeen. ( F.S:3aad)

( Nin Siyaasi ahaa oo Hanti Dadweeyne, Account Been ah u furtay ayaa G/Sare Shuute, weeydiiyay, Hantidaan laguugu soo Dacweeyay ka hor meeqa Hanti Dadweyne ah ayaad dhacday?. Eedeysanihii ayaa yiri: ilaa Berri muddo haleey siiyo, Bil kadib ayaa Maxkamadda lagu soo celiyay, waxa uuna yiri: weli waxaan ururinaya Liiskii Hantidii aan dhacay ee Bil kale haleey siiyo.

Muxuu kula yahay Go’aankii uu Shuute gaaray?)

4. Waxa ay tiri: Nin keeyga aad ayaan u jecelahay, wuuna iga cafiyay Khilaaf Qoys oo yar kana dhashay Qadadii aan maanta ka soo daahiyay. ( F.S:4aad)

( Ar Haweenka Qaar Samir badanaa, Ragga qaarna doqonsanaa)

5. Sagaal Bil ka hor ayeey Habeen kaligeed aaday Xeebta Liido. Haddana tan ayaa dhacday. ( F.S:5aad)

( Hayeey, Gabareey iska jirhee, kaligaa iyo guuro habeen)

6. Gabar ayaa Saaxiibkeed ku tiri: Maanta waa dhalashadaadi, waxaan Hadiyad kuugu keenay Mobile Cusub. Waxa uu ku yiri: maya maya, waad mahadsan tahay, ma rabo. Waan aqaan Haweenka Haaddii aan Berri is khilaafno Dadka oo dhan waxaad u sheegee in aad “Laptop” i siisay. (F.S:6aad)

( arintaan oo kale marka ay dhacdo waxaa jirto Maahmaah Somaliya oo lagu cabiro, ma noo sheegi kartaa?)

Qore :Yahya Amir