Nasashadda Jimcaha. Q- 420=Dhacda kasta oo laguu sheego, haku fududaan Jawaabta, fiiri Wakhtiga iyo Xaaladda.=
2 mins read

Nasashadda Jimcaha. Q- 420=Dhacda kasta oo laguu sheego, haku fududaan Jawaabta, fiiri Wakhtiga iyo Xaaladda.=

1. Baaritaanka DNA waxa uu keentay, Xatta Qoysaskii Digaaga in la isku dirto.( F.S:1aad)

( DNA Siyaasadeed, ha laga qaado Siyaasiyiinta Somalida).

2. Oday ayaa Saaxiibadii ku yiri: waxaan maqlay Ciyaaraha ugu badan ee xeebta Liido lagu ciyaaro Waa kubbadda Cagta iyo Dabaasha. Wiil ayaa ku yiri: Adeer waa lagu khalday, Ciyaarta ugu badan ee Xeebta Liido lagu ciyaaro waa, ka daba cararka Hablaha.

( Hayeey)

3. Haddii aad is Cayilinee, u naxariiso, kuwa Marka aad dhimato Naxashka kugu qaadi doono. Culeeyska Dambigaagana ka yareey kuwa Qabriga kugu Su’aali doono. (F.S:2aad)

( Labadaa Culeys waxaa u badan kuwa Xil ummadeed qaado)

4. Haweeneey ayaa Seygeedii Naag kale la soo aroosay, kadibna waa maseeyrtay, waxa ayna ku adkeeysatay in la Furo. Minyaradii ayaa ku tiri: waxaba ha maseeyrin Qof weyn ayaa tahaye.
Naagtii waa la furay. Go’aan ayeey Qaadatay, Kadibna waxa ay Guursatay Minyaradii Aabaheed.
Waxaa maseeyray Minyaradii Hooyadeed. Kadibna Minyaradii iyo Seygeedii ayaa kala carooday. (F.S:3aad)

( Maxaad ku Xalin leheyd)

5. Oday iyo Xaaskiisa oo 75 Jiro ah, ayaa Dhakhtar u tagay, Baaritaan Caafimaad oo Odaygii lagu sameeyay, wax Cudur ah waa laga waayay.
Dhakhtarkii ayaa yiri: waad Caafimaad qabtaa. Odaygii ayaa yiri: Laakin Dhakhtar, Xanuun kale ayaa jiro. Haddii aan Xaaskeeyga u tago oo aan la baashaalo oo ay noo dhamaato, Marka 1aad waan Dhaxamoodo waanaa Qarqaraa, Marka 2aad-na, waan kululaadaa waana dhididaa. Takhtarkii waa ka jawaabi waayay Xanuunka Odayga.

Xaaskii ayuu haddan Baaray, iyadiina wax Cudur ah waa laga waayay. Dhakhtarkii ayaa yiri: waxaan fahmi waayay Xanuunka Ninkaaga hayo. Waxa uu ii sheegay in marka 1aad ee uu kuu tago kadib uu Dhaxamoodo uuna qar qaro, Marka 2aad haddii aad isku tagtiina in uu kululaado oo uu dhidido.
Waxa ay ku tiri: Taasi waa fududahay Marka 1aad ee uu ii tago waa Bisha Oktoobar, marka 2aad waa Bisha Marso.

Lix Bil ayaa u dhexeeyso Labada bilood Oktobar Roobab ayaa Da’o, Marsana waa Bisha ugu kulul Dalka, Sanadkiina Laba mar ayaan kulanaa. (F.S:4-5aad)

( Dhacda kasta oo laguu sheego, haku fududaan Jawaabta, fiiri Wakhtiga iyo Xaaladda)

6. Wadankee laga helaa, Nin Laba Sano Dowlad u shaqeynayay, Mushaarkiisuna yahay 500 Dollar, Haddana Milyooneer ah?.

( Jawaabtu waa xagaaga)

Qore: Yahya Amir