Nasashada Jimcaha. Q- 416=Siyaasadda ma aqaane, Horta Somaliya Qadar iyo imaaraadka yaa u roon?=
1. Madaxweynihii hore ee Cuba. Md.fedel Castro ayaa 1960 la weydiiyay Musharixiinta Mareykanka ee Kennedy iyo Nixon kee fiican?
Waxa uu yiri: Laba Kabood oo hal Qof wada leeyahay kalama fiicno. Amerika waxaa xakumo hal Xisbi oo ah kan Yuhuuda / Zionist oo leh laba garab garabka Zioniyada Adag “Republican” iyo Garabka Zioniyada fudud “Democrati”. Labadaba Hadafkoodu waa isku mid. Macnaha oo kooban. (F.S: 1-2aad)
( Siyaasadda ma aqaane, Horta Somaliya Qadar iyo imaaraadka yaa u roon?, ma Laba Kabood oo hal Qof leeyahaa, Danta ay naga leeyihiin maxey ku kala gadisan yihiin)
2. Waxaa jirto murti Somali oo leh: Qofkii marka uu xilka haayo, wakhti kuu waayo, Adiguna Wakhti u waay marka uu Xilka ka dego.
( Qof aad isku fadhi ku dirir aheydeen, isku xaafad, qaraabo, Saaxiib, isku Dugsi, wada shaqey jirteen. Haddii aad Arki weydo marka uu xilka hayo, haddii uu ka dego ee uu ku soo ag fadhiisto, ka istaag oo ka tag, wakhti uma heysid Adiguna. Abwaan hore ayaa yiri: (( Nin i xooray marki aan xumaay Aniga oo xoog yar, ku xil Li’i Xanaaniyo wanaag Aniga oo Xoogle ) (F.S:3aad)
3. Ibnu khalduun ayaa yiri: Qofkii Xur ahi waxa uu daafacaa Fikirka Wanaagsan Qofkii doono ha soo jeediyee. Adoonku waxa uu Daafacaa Qofka, Qofkaasu Aragtidii uu doono ha soo jeediyee. (F.S:4aad)
( Somaliya badanaa lama fiiriyo Qofka Aragtidiisu in ay Sax tahay iyo in ay khaldan tahay ee waxaa la fiiriyaa Qofka Aragtidaa soo jeediyay Qabiilkiisa)
4. Najiib Maxfuud ayaa yiri: ha isku khaldin Tacliinta iyo Garaadka Qofka. Waxaa dhici karto in aad heeysato Shahaado PhD ah haddana aad Dabaal tahay. ( F.S:5aad )
( Ar kan in ow Aniga i sheegaa ayaan u maleeynaa)
5. Md. Karim, ayaa yiri: Haddii aan ixtiraam jirin ma jiraayo wax Xiriir ah. Ma jirayaan, Jaceyl, Saaxiibnimo iyo Qaraabanimo Haddii aan la is ixtiraameeyn. ( F.S:6aad )
( Qadari walaalkaa, walaashaa, Saaxiibadaa, ma jiri karo Xiriir wanaagsan hadaan leeys xushmeeyneeyn, waji furan ayaa ka roon, Albaab furan iyo Jeeb furan)
6. Murti Caalamiya ayaa leh: Farxaddu ma ahan in aad wada hesho waxa aad rabto, ee Farxaddu waa in aad ku raaxeysato waxa aad heeysato. ( F.S:7aad)
( Maxaa mid xoola heysto isaga oo leh wax kale sii hel si aad u faraxdo ay Hah ka tiri, maxaa mid wax yar heeysto uu farxad iyo iimaan wanaagsan uu ku dhameystay Noloshiisa)
Qore: Yahya Amir