Saddax Su’aal Jawiya iga Shaafiya.( Turkiga waxay Ethiopia ku maal galisay $ 2.5 Billion, Somaliyana $ 250 Million)!!!.
1 min read

Saddax Su’aal Jawiya iga Shaafiya.( Turkiga waxay Ethiopia ku maal galisay $ 2.5 Billion, Somaliyana $ 250 Million)!!!.

Run ahaantii, Siyaasadda Aqoon gaar ah uma lehi. Laakin xoogaa wadna kurkur ah ayaa i heeyso.

1. Turkigu waa Dowlad walaalo ah oo aan saaxiibo nahay.

Dowlad kasta maslaxadeeda Gaarka ah ayaa uga muhimsan Maslaxadda Dalalka kale.

Ethiopia waxaa ka shaqeeyo 22 Shirkadood oo private ah oo Turkey ah, Somaliyana 2 Shirkadood oo private Turkeya ah.

Dowladda Turkiga waa ay Ethiopia ku maal galisay $ 2.5 Billion, Somaliyana $ 250 Million, tan Ethiopia la siiyay ayaa qiyaastii 7 mar ka badan tan Somaliya la siiyay.

Ilaa xadkee Danta gaarka ah ee Turkigu saameeyn kartaa Heshiiskaan ay Garwadeenka ka yihiin walaalaheen Turkey.

2. Saxiixyadii 1/January 2024 iyo 1 July 2024, ee Adis iyo Ankara ka kala dhacay. Ma is faduulin Somalida dhaxdeeda ahaa mise waa Faa’iido Amxaaro?

3. Shirkii Ankara Kubadii Amxaaradu soo laaday Ma lagu laaday, mise dhinacii ay rabeen ayaa loogu sii laaday?

Waxaan uga mahadcelinaa Dowladda ugu dambeyntii in ay qaateen Go’aankoodii hore ee ahaa horta ha laga noqdo MoU.

Qore: Yahya Amir