1 min read

Deg Deg: Hawlgal ka dhan ah Al-Shabaab oo hadda ka socda Deegaano ay ka mid tahay Mahadaay.

Hawlgal ka dhan ah xubno ka tirsan Al Shabaab ayaa hadda ka socda aagga Jiinka webiga Shbeelle dhinaciisa bari ee magaalada Mahadaay ee goboka Shabeelaha hoose.

Sida lagasoo xigtay warbaahinta dawladda, weerarka waxaa fuliyey “ciidanka Qarabka iyo Saaxiibada Caalamka”, waxaana ka war hayey oo “si dhow ula socda xogta horjoogayaal” iyo maleeshiyaad Al Shabaab ah oo sida ay dawladdu sheegtay muddooyinkii u dambeeyay aaggaas isku aruusanayey.

Khasaare inay gaarsiisay kooxda ayey sheegtay dalwddu, balse ma aysan sheegin inta uu dhan yahay khasaarahaasi.