1 min read

Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo si diiran loogu soo dhaweeyay Laascaanood.

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) ayaa gaaray magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.Dadka magaalada ayaa soo dhaweyay madaxweyne ku xigeenka.

Wararka ayaa sheegaya in socdaalkiisa ay ku wehliyaan xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka maamulka Puntland. Waxaa la filayaa inuu kulamo la qaato hoggaanka iyo oday dhaqameedka deegaannada SSC.

Laascaanood muddo ka badan toddobo bilood waxaa ka socda dagaal u dhaxeeya ciidamada deegaanka iyo kuwa Jamhuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland.