1 min read

Muumin Aweys iyo Raabaq (Aduunyo Xaalkeed Sidu waaye Muumin Aweysaa Talihaayo)

Isticmaarku marka uu meel qabsado, wuxuu adeegsadaa, Ciidamo uu deegaan kale ka keenay ama kuwo deegaanka ah oo Dadka ugu liito ama Cuqdo ka qabo Bulshada, kuwo dhibanayaal ah iyo kuwo dhaqaala ahaan liito.

1. Isticmaarku markuu Xamar yimid, iyada oo ay joogaan wax garadkii Bulshada, ayuu doortay Nin la dhihi jiray, Muumin Aweys oo Xaamli xoogsataa ahaa in uu Hogaamiye Bulsho noqdo.
Dadkii Magaaldda ayaa ku soo shiray:                    (Aduunyo Xaalkeed Sidu waaye Muumin Aweysaa Talihaayo)

2. Markii Isticmaarkii Talyaanigu uu tagay Magaalada Cadale, ayaa Gudoomiyihii Talyaaniga ee Degmada ( Rasandihii) waxa uu Ciidankii Magaalada ku daray, Nin Magaalada laga yaqiin oo dabaal Raabqa ahaa, waxa uuna ku raray Salabkii Ciidanka – Uniform , Dadkii ayaa yiri: ( Rasanda Gaal Dad waa rabaa Hadoowba rartay Raabaqaan)

3. Markaan fiiriyay Xafiisyada Ciidan iyo Shibilba ee Maamul Gobaleedyada Dalka iyo Dowladda dhexe. Waxaan Xafiisyada ku arkay, Xafiisyo badan oo ay fadhiyaan Dad aan u qalmin xilkaa.

Adiga ma kula tahay in Muumin “Aweys iyo Raabaq” ay xafiisyada fadhiyaan?, sidee loo soo xulay? Yaase soo Xulay? ( F.S: 1-10 aad) .

Qore: Yahya Amir