1 min read

Maxaa keenay in Natiijada C. ama D ay Ardaydu ka keeneen maadada Soomaaliga imtixaanka Dugsiyada sare 2023 ee G/Banadir.

Haddii aad fiirisay Natiijada imtixaanka Dugsiyada sare 2023 ee Gobalka Banadir.waxaad arkee in inta badan Maadada Afka somaliga ay Ardaydu keeneen C ama D, halka maadooyinka kale sida Fisikis iyo Xisaabta ama kuwa kale keeneen A ama B. Waxaad arkee Arday maadooyinka oo dhan heeysto A iyo B, laakin Maadada Af somaliga heysto C ama D.

Sababtu maxeey tahay?

Haddaba maxaa ku dhacay Maaddaddaan Af Somaliga.
Waxaa jiro sababo badan. Tusaale, Haddii Macallinka Fisikisku maqnaado ardaydu waxa ay u dacwoodaan Maamulaha. Laakin Hadduu maqnaado Macallinka Af somaligu Ardaydu iyagaa is fasaxo oo iska baxo. Macallinka oo laftiisu aan xiiseeyneeyn ama aan si fiican u aqoon. Manhajka Af Somaliga oo ku qoran lahjad aan looga hadal Gobalka Banadir, Ardayduna ma fahmi karaan Gabayada iyo Suugaanta Gobalada qaar.

Caalamiyan sida la isku raacsan yahay, Qofka Jinsiyadiisa waxaa u asal ah Luuqadiisa ee ma ahan Midabkiisa iyo muuqaalkiisa. Waana muhim in sare loo qaado Af Somaliga.
Waxaa kor loogu qaadi karaa in Macalinka maadadaan la siiyo tixgalin gaar ah, in maadada la siiyo Muhimad gaar sida iyada oo la yiraa waxa ay la dhibco tahay Laba maaddo oo kale. I

Arrintaan ma ku baraarugtay wasaaradu, bal ha is weeydiiyeen, sidee loo horuumari karaa Manhaj koobayo lahjadaha Somalida oo dhan.

Adiga sideey kula tahay?

Qore: Yahya Amir