1 min read

Deg Deg: Dhowr iyo toban qof oo ku dhintay shil tareen oo ka dhacay Pakistan

Ugu yaraan 19 qof ayaa dhintay, 50 kalena way dhaawacmeen kaddib markii uu shil tareen ka dhacay Koonfurta dalka Pakistan sida saraakiisha dawladda ay sheegeen.

Shilka ayaa ka dhacay goob ku dhaw boosteejada laga raaco tareenada Nawabshah oo 275km u jirta magaalada weyn ee Karachi.

Dadka dhaawaca ah ayaa la geeyay isbitaallada ku dhaw halka mashaqadu ka dhacday.

Shaqaalaha gurmadka ayaa isku dayaya inay dadka ka soo saaraan burburka tareenka.

Kooxaha gurmadka ee ciidamada ayaa iyana laga codsaday gacan si loo kordhiyo hawllaha badbaadada ee halkaasi ka socda.

Xaalad degdeg ah ayaa looga dhawaaqay isbitaallada ku dhaw Nawabshah iyo degmooyinka ku dhawdhaw.