1 min read

Maxaabiis Al-Shabaab ah oo lagu xukumay xabsi daain.

Maxkamadda ciidamada qalabka sidda ayaa maanta  xukun ku riday  Cali Xuseen Buundo iyo Cali Suleymaan Ibraahim oo ka tirsan Alshabaab  waxaana lagu xukumay xabsi daa’in.

Labadan xubnood ayaa bishii May ee sanandkan lagu qabtay howlgallo laga sameeyay degaano hoos yimaada degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, xilli uu socday wajigii 1aad ee howlgalkii  Alshabaab looga  saarayay  degaano ka tirsan koofurta gobolka Mudug.

Maxamed Cali Xuseen Buundo iyo saaxiibkiis Cali Suleymaan Ibraahim ayay maxkamaddu sheegtay inay kasoo qeyb qaataan dagaaladii lagu xoreeyay degaanada maamulada Galmudug iyo Hirshabeelle.

Maxamed Cali Xuseen Buundo ayaa shaqooyinkiisii ugu dambeeyay waxay ahayd inuu qaado maydadka Alshabaab ee ku dhinta dagaalada Hawgalada Ciidanka Dawlada ay ka fuliyaan degaanad Galmudug iyo Hirshabeelle , halka Cali Suleymaan Ibraahim uu qaabilsanaa keydinta hubka.

Bishii la soo dhaafay  Julay ee sannadkan ayay billaabatay dhegaysiga maxkamadayntooda, iyadoo maanta ugu dambayn maxkamaddu ay go’aan ka gaartay dambiyadda loo haystay.