1 min read

Warbixin ku saabsan Gogosha Nabadeynta ee la dhigay Burka Derimeed+Sawirro.

Safar dheer oo 240 km ah si socod iyo soo socod, oo aan ku baxnay Subaxaan, 2/8/2023, ayaan Caawa si Nabad ah ku soo noqonay Magaalada Mogdishu.

Waxaan Tagnay Deegaanka “Burka Dirimeed” , oo ah halka ay ka fidsantahay Gogosha Nabaseyntu kana tirsan Deg. Raaga ceele. Waa keymo ku yaal Buur dusheed oo ka fog Magaalooyinka lagana dhisay Teendhooyin, Goobo Cuntada lagu kariyo iyo Genereetaro Koronto dhaliyo, si looga fogaado Buuqa magaalada iyo Dadka aan Howsha ku jirin ee wakhti dhimis u imaan karo. Halkaa oo ay ka socotay Nabadeyn Beelo Halkaa ku dagaalamay.
Waxaa kalkaa Nagu Soo dhaweyay Imaan Dahir imaan Maxamud. ( F.S:1aad)

Kadibna waxaan la kulanay Hogaanka Heshiisiinta Ex. Madaxweyne Sh. Shariif ahna Xildhibaan Qaran, Imaam Dahir imaan Maxamud, Madaxweynaha Hirshabeele Md. Cali Guudlaawe, Gudomiyaha Gobalka Shabeelaha Dhexe Mr. Axmed Mayle Makraan, wasiirada Arimaha Gudaha, Amniga iyo Dib u heshiisiinta ee Hirshabeele. ( F.S: 2 & 3aad) waxa kale oo aan la kulanay odayaasha dhaqanka ee Beelaha (Maxamed Muse, Cabdala Caroone, Celi Cumar iyo Kabaale)oo ah Beelo wax kala tirsanayay, iyo Odayaal kale oo ka socday Beelaha wax dhaxdhaxaadinayo (F.S:4 & 5aad)
Waxaa fursad weyn ii aheeyd in aan ka mid noqdo, Xubnaha Gudiga Xamar ka baxay oo ka koobnaa Rag iyo Dumar ka Socday Golaha Siyaasada iyo Horuumarinta Beeshs Mudulood oo ay wehliyeen Aqoon yahano samaha jecel iyo Xubno matalayay Qurbajoogta.

Safaarkaa oo Guul ku soo dhamaaday ayaa qorshahiisu uu ahaa ka qeyb qaadasho Nabadeeynta ayaan Caawa fiidkii Dib ugu soo Noqday Magaalada Mogadishu. (F.S :6aad)

Waxaan Allaah uga baryaa in Shirkaasi uu ku soo dhamaado Guul, inta ku Howlanna Alla AjirĀ  ha ka siiyo, Somali oo dhanna Allaah ha siiyo Nabad. Aamiin. Aamiin.

Qore :Yahya Amir