July 20, 2023
Shirka Golaha Wasiirrada JFS oo looga hadlaya Amniga dalka.
Muqdisho,:-Shirka Toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa looga hadlay Amniga Guud ee dalka iyo Dib-u-habeynta Hannaanka iyo Maamulka Dowladnimada casriga ah. Golaha ayaa ka dhageystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga warbixin ku saabsan amniga dalka iyo guulaha laga gaaray xoreynta iyo xasillinta dalka. […]
Imaaraadka iyo Turkey oo saxiixday heshiisyo ku kacaya $50.7 bilyan.
ABU DHABI :- Turkey iyo Imaaraadka Carabta ayaa saxiixday heshiisyo ku kacaya $50.7 bilyan ayada oo madaxweyne Erdogan uu soo geba-gebeeyey safar uu ku maray saddex dal oo ku yaalla Khaliijka. “Maanta waxaan goobjoog noqonay saxiixyada dhowr heshiis oo istaraatijiyadeed iyo is-faham oo ku kacaya lacag dhan $50.7 bilyan si loo sii xoojiyo xiriirka Imaaraadka […]
Ciidamada Dowladda iyo Kuwa Africom oo howlgal ay fuliyeen ku dilay Al-Shabaab fara badan.
Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanayaa howgalka Mareykanka ee caawiya ciidanka Soomaaliya ee AFRICOM ayay waxay howlgal qorsheysan oo cirka iyo dhulka ah dhawaan ka fuliyeen degaanada Gal-Libaax iyo Ceel Qurac oo dhaca xadka gobolada Galgaduud iyo Sh/dhexe oo ay isku uruursanayeen Khawaarijta, waxaa marka hore dagaalku ku bilowday duqeyn ay fuliyeen Diyaaradaha Drones ah ee […]
Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyed oo karmeeray Dugsiga Tababarka General Kaahiye.
Muqdisho,:-Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyed General Sulub Axmed Firin iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa booqday xarunta Gaadiidka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed iyo Dugsiga Tababarka Ciidanka Boliiska ee General Kaahiye oo ay ku diyaarsan yihiin cutubyo cusub oo dhawaan kusoo biiraya Ciidanka Boliiska iyo Ciidanka ILaalinta Deegaanka ee Dowladda Hoose […]
Saraakiil ku Eedaysan Musuq maasuq oo maanta la horgeeyay maxkamada gobolka Banaadir.
Muqdisho, :-Maxkamada gobolka Banaadir ayaa maanta dhageysaneysa dacwada loo haysto Afar sargaal oo ka tirsan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya oo ku Eedaysan Musuq maasuq Xatooyo. Afartaan Eedaysane ee la horeyay Maxkamada gobolka ayaa lagu kala magacaaba,Cabdulaahi Maxamuud Osoble, Cumar Macalim Nuur, Saabir Xasan Cabdinuur, Aadan Maxamed Cabdi Oo dhamaan loo haysto xatooyo xoollo dadweyne […]
Ruushka: “Maraakiibta ku socda Ukraine waxaan u aragnaa kuwo qayb ka ah dagaalka”
Ruushka ayaa ka digay in maraakiibta ku safraya dekedaha Badda Madow ee Ukraine,isla markaana oonaya in ay qaadaan badeecadaha raashinka loo tixgelin doono bartilmaameedyo militari iyo kuwo qeyb ka ah dagaalada ka socda dalkaasi. Hadaladaan ayaa yimid kadib markii madaxweynaha Kyiv uu sheegay in uu sameyn doono marin ku meel gaar ah oo maraakiibta ay […]
2023 FIFA Women’s World Cup to kick off Thursday.
The 2023 FIFA Women’s World Cup in Australia and New Zealand will kick off on Thursday. In the opening match, New Zealand will face Norway at Eden Park, Auckland. The Group A game will start at 0700GMT. Later Thursday, the World Cup’s other host nation Australia will play against Ireland in a Group B match […]
Maxaa ka run ah sawirka faafay ee lagu sheegay diyaaradaha dagaal oo ay Soomaaliya iibsatay?
Waxaa warbaahinta Soomaalida iyo baraha bulshada ku faafiyay sawiro la sheegay inay yihiin diyaarado dagaal oo ay dowladda Soomaaliya soo iibsatay. Arrinkan ayaa yimid toddobaadyo uun kadib markii uu madaxweynaha Soomaaliya ka codsaday Qaramada Midoobay in Soomaaliya laga qaado xayiraado hubka ee ugu cimriga dheer dunida ee saaran ilaa 1992dii. Wasiir dowlaha arrimaha dibeda Cali […]
Dad ka careysan gubitaanka Kitaabka Qur’aanka Kariimka ah oo dab qabadsiiyay Safaaradda Sweden ee dalka Ciraaq.
Booliska magaalada Baqdaad ee caasimadda dalka Ciraaq ayaa biyaha laga tuuro tubooyinka u adeegsaday boqollaal dibadbaxayaal ah oo xoog ku galay safaaradda Sweden ee ku leedahay dalkaas oo qaybo ka mid ah ay dab qabadsiiyeen. Waa markii labaad oo dhismahan weerar lagu qaadayo tan iyo markii Kitaabka Qur’aanka Kariimka ah lagu gubay bannaanka masaajid ku […]
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in Mareykanku ka caawiyay dilka 100 Al-shabaab ah.
Dowladda Soomaaliyaa ayaa sheegtay in ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa Mareykanka ay maanta dileen ku dhawaad 100 dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab, kadib howlgallo cirka iyo dhulka ah ka fuliyeen deegaannada Gal Libaax iyo Ceel Qurac ee bartamaha Soomaaliya. Warka kasoo baxay wasaaradda warfaafinta dowladda Soomaaliya, ayaa ilaa hadda aysan wax faahfaahin ah ka bixin […]