1 min read

Suuqyada waa wayn ee magaalada Nairobi oo maanta xiran.

Waxaa maanta xiran inta badan suuqyada ku yaalla magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaas oo la filayo inay maanta ka dhacaan dibedbaxyo ballaaran.

Dibedbaxyada ayaa ah kuwa looga soo horjeedo sare u kaca qiimaha maciishadda iyo canshuurta la kordhiyay, gaar ahaanna canshuurta shidaalka oo la laba laabay.

Suuqyada maanta xiran waxaa kamid ah suuqa wayn ee xaafadda Easleigh oo ay ganacsatada qaar inoo sheegeen inay ka baqayaan inay rabshado dhacaan sidaa awgeedna aysan maanta u furin xarumahooda ganacsi.

Suuqyada ka sokoow, waxaa sidookale maanta cidlo ah guud ahaan waddooyinka ku yaalla magaalada,

Madaxweynaha Kenya William Ruto, ayaa dhowaan saxiixay sharciga kordhinta canshuurta dalka, taas oo ay ka soo horjeedaan mucaaradka.