4 mins read

U tacsiyeey Magaalada Mogadishu.

Mogadishooy Samir iyo iimaan Alla ha kaa siiyo, Magaalooyin Badan oo kula mid ahaa ayeey ku dhacday, Adiga waxaa kuu dheer in Shacabkii aad Caasimadda u aheyd iyo kuwii ku maamulayay ay kuu geeysayteen dhibka.

Waa mamnuuc in Dhismooyinka Taariikhiga ah la Dumiyo, ama la bedelo qaab dhismeedkoodii hore, waana in ay heshaa Magaaladu dayac tir joogto ah.

Tusaale, Sharciga Dalku ma ogolo in Dhismooyinka ku yaal Xamar weeyne iyo Shangaani ee sida gaarka ah loo leeyahay in la bedelo muuqaalkoodii asalka ahaa, dhismihii dumo waa in loo dhiso muuqaal u eg isla dhismihiisii hore oo naqshadii hore la raaco. Muqdisho waxaa laga dumiyay 7 Taalo oo si gaar ah dhulkii au ku yiileen Ay Dad gaar ihi u dhisteen.

Yaanan kugu badin hadalkee,

1. Waxaa ugu dambeeyay Dhismihii ay caanka ku aheyd “Secondo Lido” kana mid ahaa dhismooyinka Taariikha ah ee u gaar ahaa Magaalada ( F. S:1-2aad)

2. Waxaa ku xiga oo dhabarka ku hayo Baarkii Dowladda hoose ee Galabtii lagu nasan jiray. ( F. S: 3aad)

3. Dhinaca kale waxaa uga soo jeedo, dhismihii Qurxanaa ee laga gali jiray Dakaddii Hore. ( F.S: 4aad)

4. Waxaa dhowr Mitir u jiro, Doorbinkii magaaladda (F.S: 5-6aad)

5. Golihii Shacabka ee hore, waa halkii laga taagay Calankii somalida, waa in dhismahaa taariikhiga ah sidiisii lagu soo celiyo, lagana dhigo goob lagu ururiyo Taariikhda Baarlamaanadii hore ee Somalida. ( F.S :7-8aad)

6. Todobadii Taalo ee Magaaladu dhaxashay waa la burburiyay, dhulkiina si shakhsi ah ayaa loo qaatay. Tii ugu dambeeysay waa la soo fujiyay, waxaana lagu dhax tuuray Bohosha Biya galka ee wardhiigleey oo ay weli ka dhax muuqato. ( F.S: 9-14aad).

7. Irdihii Caanka ahaa ee Magaalada laga soo gali jiray. (F.S: 15-16aad)

8. Darbigii Caanka ahaa ee ku wareegsanaa Xaafadda Aw Aweyska ee u dhaw Isbitaal Martiini, oo la wada ogyahay sababtii Taariikhiga aheyd ee halka habeen loogu dhisay. Haddana dhismayaal ayaa lagu soo fiday waana la dumiyay Badankiisa. (F.S: 17aad)

9. Masawicii Magaaladu weli waa ceyntaa, waxa uuna ku badbaaday Halka uu ku yaal oo Madaxtooyada ku dhagan. ( F.S:18)

10. Kaniisadii hore oo ka mid aheyd Astaamaha Magaalada lagu yaqiin. ( F.S: 19-20)

11. Masjidkii Sh. Cabdi casiis oo qeyb weyn ay uga burburtay Dagaaladii. Nasiib wanaag Dowladda Turkiga ayaa Dayac tirtay. ( F.S: 21aad)

12. Raadkii ka haray Masjidka “Fakhru diin” , qiybtii ka hartay intii la dumiyay markii la balaarinayay waddada Xassan Geedi Abtoow, dhinaca kale Badda ayaa ka xigtay. (F.S: 22aad)

13.Masjidka Xamar Jabjab ee taariikhiga ahaa waa halkii uu ku tukaday Mu’arakhii Ibnu Batuuta Qarniyaal ka hor. Hadda Masjidkii waa la dumiyay gabi ahaantii waxaana laga dhisay dhisma Cusub oo kharaj looga soo qaatay Hayado Carbeed. Dhulkii ku wareegsanaa Masjidka oo aad u weynaa, waxa laga dhigtay Bakhaaro. Waxaa haboon in sidiisii hore lagu soo celiyo (F.S:23aad)

14. Arkadii magaalada in kasta oo la dayac tiray, haddana qaab dhismeedkeedii hore waxbaa laga bedelay. (F.S:24aad)

15. Kaniisadii hore ee ka soo horjeedka Baar FIAT, Gebi ahaanba waa la burburiyay( F.S: 25aad)

16. Baar Cafee Nationale” shaleemo Xamar” waa burburtay, laakin sharcigu waxa uu qabaa in sideedii hore lagu soo celiyo oo aan la bedelin( F.S: 26aad)

17. Afar irdood iyo Daartii Sayid Barqash ee Mogadishu maanta sida ay u yaaliin ha i weeydiin. ( F.S: 27-28aad)

18. Dhismihii Taariikhiga ahaa ee Arbaca Rukun, isagana Burbur Xoog leh ayaa soo gaaray, laakin waxaa Dayac Tiray Tukiga ( F.S: 29aad)

19. Masjidu Jaamaca Xamar weyne, dhulka ayuu hoos u galay, waxa uu u baahan yahay Dayactir weyn. ( F.S: 30)

20. Xaruntii Sayid Barqash ee Magaalada Marko inteey ku dambeeysay. (F.S:31aad)

21. Masjidkii Magaalada Baydhabo ee Qubadda Qurxoon ee Taariikhiga ah lahaa, dhamaantii waa la burburiyay( F.S:32aad)

22. Calaamadihii dhul baraha ee Jubadda hoose maxaa ka nool. ( F.S: 33-34aad)

21. Ingriiska ayaa Burburin ku bilaabay, Taaloyinkii Talyaaniga, markii Dagaalkii Aduunka lagu Jabiyay Talyaaniga. Taalooyinkaa qaar ka mid ah iyo Haraadigoodi weli waa ku yaaliin Goobaha qaar. ( F.S: 35aa)

22. Yaa meel ku sheega “iskalabjarkii” “sculpture” muujinayay dhaqanka somalida. ( F.S: 36-37aad)

Arintaa waxaa Masuliyadu ka saaran tahay Dowladda Hoose iyo Wasaardda Hidaha iyo dhaqanka, in ay dhowraan Astaamaha Taariikheed ee Dalka.

Mar kale waxaan Magaaladda Mogdishu uga Tacsiyeeynaa, Geerida naxdinta leh ku timid Dhismayaashii waalidka u ahaa kuwa hadda dhisan, Samir Alla ha ka siiyo, magalaada iyo Magaooyinka kale ee Qaraabada la ah.

Qore:Yahya Amir