3 mins read

Waa wareey prof. Yaxyaa Dad dhul ka boobayo!!!

Aniguna Sida aad ula yaabtay ayaan ula yaabay. Banaan baxani waxa uu ahaa 5-6 Sano ka hor.

Nin Saaxiibkeey ah oo Sh. Muse la yiraa oo ka mid ahaa ilaalada Shibilka ah ee Dekedda, ayaa dhul cabirkiisu yahay 6m Balac iyo 11 mitir dherer ku lahaa Xamarweyne inta aan Xasuusto, kuna Ganacsan jiray wakhtigii kacaanka, waa dhul banaan waxaan ku wareegsanaa Darbi yar. Waxaa ku qabsaday 3 Nin oo Reer Xamar ah, oo ka dhaqaala roon, waxaa la isla tagay Maxkamadda Gobalka, tan Racfaanka, Tan Sare, illaa Dib u eegid xukun. Dhamaan waxay u xakumeen Sh. Muse. Waxaa kale oo 3 dii Nin lagu xakumay kharajkii Maxkamadda sida sharcigu qabay. Waa u cawdeen Sh. Muse, in aan lagu fulin Ganaaxa Maxkamadda. Intii Dacwadaasi Socotay weligeey Ma tagin Maxkamadda lamana xiriirin. Saddaxdii Nin ka mid ah waa dhintay Alla ha u naxariistee.

Muddo kadib ayaa Nin Reer Xamar ah oo Gudoomiye ka ahaa Deg. Xamar weyne waxa uu habeen Madoow Cagaf cagaf ku burburiyay Darbigii yaraa ee ku wareegsanaa.
Sh. Muse oo laga gardarnaa ayaa ii yimid, markaa ayaan ku soo biiray Dawcwadii Sh. Muse waxa uu Dacweeyay Gudoomiyihii Degmada oo u isticmaalay Awood Xafiis. Sh. Muuse Waxaan ka joojiyay Dacwadii, wuuna iska cafiyay, in kastoo Galka ay weli ku qoran tahay hakin Dacwo.
Gudoomiyihiina Xilkii ayaa laga qaaday, markii la kala bedelayay Gudoomiyayaasha Degmooyinka.

Gudoomiyaha Haddaba Maalin kasta waan is aragnaa oo shaah ayaan wada cabnaa, waxa uuna ii soo jeediyay in la is cafiyo.

Sh. Muse ayaa iga codsaday in aan dhulka la wadaago oo qiimaha aan bar u celiyo oo aan shirko ku noqono, waan ka ogolaaday Laakin ilaa Hadda Wallaahi Hal Dollar ma siin. Waxaan u soo qaadnay fasax dhismo laakin midkeena ma heyn Lacag lagu dhiso.

Sh. Muse waxa uu dhulka u heystay Dokumenti Sharci ah, laakin dhinaca kale haba yaraatee wax Dukumenti ah ma keenin Maxkamadda markii Horeba, markii aan weeydiiyay Sababta ay ugu dawcweeyeen Sh. Muse oo Nin Danyara ah waxa ay iigu jawaabeen, jawaab aan la yaabay oo aheyd ” Madoow mana soo dhax degaayo”.

Banaan baxaan waxaa soo Abaabulay Niman danleey ah oo Dad ka soo kaxeeystay Masjidka Maalin jimco ah Dadkaa oo ahaa war moog, lagu soo kiciyay Hab Qabiil, markii Dambene Qaar ayaa igu yiri: Sh. Muse hana cafiyo. Qaar ayaa igu yiri: Sh. Muse Lacag nooga qaad. Waxaan ku iri: isgaaba idinku leh Lacagtii Dacwada ee Maxkamaddu u xukuntay, Baad maya, Haddiise aad Duco ka rabtiin isaga weeydiista.
Kuwa kale oo aan isleeyahay Dad kale ayaa soo diray ayaa Tabakaayo yar ka dhisay Habeen, Sh. Muse Saldhiga Police ka Xamar weyne ayuu tagay, Ninkii tabakaayada ayaa yiri: Dad ayaa igu siray halkaan, tabakaayadii waxaa lagu yiri: ka fuqso muusha, waana ka fuqsaday oo meel kale ayuu ku dhistay.
Sh. Muse ogaanteey waa Qofka kaliya ee dhulkaa u heeystay Dokument Sharci ah.

Anigu Xamar weyne ma degani, waxaan deganahay Guri Kiro ah oo Wadajir ku yaal oo uu leeyahay Nin Dhakhtar ah oo caana.
Cida hadda Vedio-6 sano ka hor Dadka lagu khalday wareejinee, Ma hubo laakin sida la ii sheegay waa Nin u dhashay Qabiilka Hariin ee Raxanweyn kuna nool Dalka ingiriiska.
Ninkaa iyo intii Been iga sheegtay, intii la khalday, kuwa Hadda wareejinaa Facebook, Like ha ku rabeen ama Danna kale haka la haadeene waan wada Cafiyay Alla hortii.

Xaqiiqdo waa sidaa, Ciddii Been kale wareejinee, iyada lee waaye, Culeeys uma arko, Beenu meel ma gaarto, Anna kama baqayo in aan Runta sheego xattaa haddii aan Gardaranahay.

Qore: Yahya Amir