2 mins read

Golaha Wasiirada Soomaaliya oo ansixiyey jiheynta hannaanka doorashooyinka.

Muqdisho — Golaha Wasiirada Soomaaliya, oo maanta Muqdisho ku yeeshay kulan uu guddoomiyey ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, ayaa ansixiyay Jiheynta Hannaanka Doorashooyinka dalka.

Tallaabada golaha wasiirada ayaa daba socota shirkii ay bisii May Muqdisho ku yeesheen Madaxa Golaha Wadatashiga Qaran oo sheegay inay ku heshiiyeen inay dalka oo dhan ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, oo ay ku tartamayaan laba xisbi qaran oo keliya, taas oo noqonaysa nidaamka matelaadda isu-dheellitiran ee Liiska Xiran (Proportional Representation-Closed List).

Waxay sidoo kale ku heshiiyeen in dalka uu qaato nidaam madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen, oo beddelaya midka hadda jira ee ah madaxweyne iyo ra’iisul wasaare.

Qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa lagu sheegay in hannaanka uu goluhu meel mariyey ay kooban saddex qodob oo kala ah:

Qodobka 1-aad: Dhaqangelinta Heshiiska Golaha Wadatashiga Qaranka

1- Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay go’aamisay dhammeystirka iyo dhaqangelinta Hannaanka Doorashooyinka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee uu ku heshiiyay Golaha Wadatashiga Qaranka 27 Maajo 2023.

2- Waxaa la farayaa dhammaan wasaaradaha iyo hay’adaha ay khuseyso in ay si degdeg ah uga hawlgalaan diyaarinta shuruucda loo baahan yahay ee lagu dhaqangelinayo heshiiska kor ku xusan.

3- Wixii wax-ka-beddel ah ee lagu sameynayo Dastuurka KMG ah waxaa loo soo diyaarinayaa si waafaqsan Cutubka 15aad ee Dastuurka KMG ah loona soo gudbinayaa Golaha Wasiirada J.F.S. si loo horgeeyo labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya

Qodobka 2-aad: Dhammeystirka Habraacyada

4- Dhammaan wasaaradaha iyo hay’adaha ay khuseyso waa in ay dhammeystiraan dhammaan habraacyada dastuuriga ah iyo kuwa latashiga ee lagama maarmaanka u ah dhaqangelinta Heshiiska Golaha Wadatashiga Qaranka, iyada oo la xeerinayo danta guud ee Qaranka.

5- Wasaarad kasta iyo hay’ad kasta oo kaalin ku leh dhaqangelinta go’aankaan waxaa lagula xisaabtami doonaa hirgelinta kaalinteeda ku aaddan hirgelinta Heshiiska.

Qodobka 3-aad: Dhaqangalka Go’aankan

6- Go’aankan oo dhaqan galaya maanta oo Khamiis ah ayaa Golaha Wasiiradu aansixiyeen, isla markaana uu saxiixay Ra’iisul-wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.