1 min read

Axmed Madoobe oo maamul cusub u magacaabay Gobolka Gedo.

Dikreeto uu soo saaray madaxweynaha Maamul goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayuu Gobolka Gedo wuxuu ugu magacaabay Maamul cusub.

Cabdullaahi Cabdi Jaamaca ayaa loo magacaabay Guddoomiyaha maamulka gobolka Gedo, waxaana sidoo kale la socday magacaasibsta Guddoomiyaha; afar qof oo kala ah:

Cusmaan Nuux Xaaji ( Macalimu) —G/Kuxigeenka Amniga & Siyaasada.

Nasteex Cabdi Saalax —G/ Kuxigeenka Maaliyadda.

Ibrahim Madoobe Maxamed —G/Kuxigeenka Arrimaha Bulshada.

Maxamed Xuseen Isaaq (Qaadi) —G/Kuxigeenka Maamulka ahna Xoghayaha Gobolka

Waxaa qoraalka oo bogga Facebook ee telefishanka Jubaland lasoo dhigay lagu sheegay; in uu madaxweynuhu maamulkan magacaabay kadib “Markuu Garwaaqsaday Muhiimada ay leedahay in maamul loo sameeyo gobolka Gedo, iyo markuu Latashaday madaxweyne ku-xigeenada Dowlada Jubaland.” ayaa lagu yiri qoraalka.

Maamulkii hore ee gobolka Gedo ayaan weli ka fal celin magacaabista uu sameeyay madaxweynaha Jubaland.