1 min read

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo maanta daahfurtay Ololaha Tallaalka dabeysha.

Ku simaha Wasiirka ahna Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya Maryan Maxamed Xuseen, ayaa maanta degmada Waaberi ka daahfurtay Ololaha talaalka dabeysha ee caruurta ka yar Shanta sano oo laga fulin doono Koonfurta iyo bartamaha dalka.

Adeeg bixinta talaalka oo socon doonta 27 illaa 30 bishan ayaa waxaa iska kaashanaya Wasaaradda Caafimaadka XFS, maamulka Gobolka Banaadir iyo Hey’adaha WHO iyo UNICEF, wuxuuna Qorshuhu yahay in talaalka la gaarsiiyo  Carruur gareysa Laba Milyan iyo bar, sida uu xusay Agaasimaha waaxda Qoyska ee Wasaaradda Caafimaadka.

Gudoomiyaha degmada Waaberi, Maxamed Sayid Cali, ayaa u mahadceliyay wasaarada Caafimaadka, maamulka Gobolka Banaadir iyo Hey’adaha gacanta ka geystay, wuxuuna dadka degmada ku Nool ugu baaqay inay ka faaiideystaan talaalkan muhiimka ah.

Agaasimaha Caafimaadka Gobolka Banaadir Cabdirixmaan Axmed Maxamuud, ayaa xusay inay rajeenayaan in ololahan Kan xiga in wax la taaban karo laga gaaro ciribtirka cudurka dabeysha oo aan wax dawo ah laheyn ka hortag mooyaane.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya Maryan Maxamed Xuseen, oo daahfurtay ololaha ayaa sheegtay inay ka wasaarad ahaan ku dadaali doonaan sidii dalka looga ciribti lahaa cudurka dabeysha oo halis ku ah nolosha iyo mustaqbalka caruurta Soomaaliyeed.