1 min read

Shirweynaha 14aad ee ururka Warbaahinta Midowga Afrika oo lagu soo gabogaɓeeyay Nigeria +Sawirro.

Shirkan oo socday intii u dhaxaysay 16-20 May waxaa ka qeyb agaasimayaasha Warbaahinta dadweynaha ee dowladaha Afrika, ururada taageerada Warbaahinta iyo wafuud ka kala socotay Warbaahinta caalamiga ah, Soomaaliya waxaa ku matalayay shirka Agaasimaha Warbaahinta Cusub ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya mudane Cabdishakuur Cali Axmed.

Waxaa shirka diiradda lagu saaray caqabadaha iyo fursadaha Warbaahinta casriga ( Digital Media Transformation ) iyo saameynta ay ku leedahay Warbaahinta rasmiga ( Traditional/Official Media)

Waxaa kale oo lagaga hadlay doorka Warbaahinta horumarinta wadaagga Ganacsiga, xal u helidda cudurka Kansarka ee Afrika iyo habka wax is dhaafsiga Warbaahinta.

Shirka waxaa sidookale goobjoog ka ahaa  Wasiirka Warfaafinta iyo Dhaqanka ee Nigeria, Wasiirka Warfaafinta iyo xiriirka ee Algeria, qubaro iyo aqoonyahamo

Gabogabada shirka waxaa lagu soo bandhigay showgii ugu horeeyay ee u qaban qaabiyay ururka AUB, kaasoo ay ka qeyb galeen fanaaniin iyo kooxo ciyaaraha fanka oo laga kala keenay dalalka Afrika, waxaana abaal marino lagu guddoon siiyay wariyayaasha Qaaradda ee dalalkooda ka sameeyay Barnaamijyo iyo Warbixino saameyn ku reebay dadkooda.