1 min read

Sweden: Dilalka dhallinyarada Soomaalida oo yaraaday.

Waayadii ugu danbeeyey dalka Sweden waxa ka dhacayey dilalka iyo waxyeellada ay isku gaystaan dhallinyarada ajnabiga ah oo ku kala jira kooxo gaang ah.

Caasimada Sweden ee Stockholm waa magaalada ugu badan ee dhibaatadaasi ay ka dhici jirtey.

Haddaba, kadib dedaallo iyo wadashaqayn dhex martey waalidiinta, hay’adaha dowladda iyo ururada bulshada Soomaaliyeed, waxay u muuqataa in ay xaaladu kasoo raynayso.

Ururka Waalidiinta iyo Macalimiinta Soomaaliyeed ee xaafada Jarva oo Stockholm ku taalla waxa uu ka mid yahay ururada dadaalka badan sameeyey.