3 mins read

Xabbad-joojin looga dhawaaqay Suudaan.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa sheegay in dhinacyada isku haya Suudaan ay ku heshiiyeen xabbad joojin 72 saacadood ah laga bilaabo saqdii dhexe ee xalay.

Waa ugu yaraan xabbad-joojintii saddexaad ee lagu dhawaaqo tan iyo markii ay dagaallada sokeeye ka qarxeen bishan balse midna ma aysan dhaqan gelin.

Mr Blinken ayaa sheegay in heshiis ay wada gaareen ciidamada milllitariga ah iyo ciidamada gargaarka degdega ah ee RSF ka dib wadahadallo socday 48 saacadood.

Ugu yaraan 400 oo qof ayaa la dilay tan iyo markii uu dagaalku qarxay 15-kii bishan April.

Labada dhinac ayaa si madax banaan ugu dhawaaqay inay ku lug leeyihiin xabbad-joojinta.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa isna ka digay rabshadaha ka socda Suudaan in ay sababi karaan iskudhac masiibo ah kaas oo harayn kara gobolka oo dhan iyo meelo kale.

Tan iyo markii ay rabshaduhu billowdeen, dadka ku nool caasimadda uu dagaalku ka qarxay ee Khartoum ayaa loo sheegay inay guryaha ku jiraan, iyadoo ay gabaabsi ka noqdeen saadka cunnada iyo biyaha.

Duqeymaha ayaa lala beegsaday kaabayaasha muhiimka ah, sida dhuumaha biyaha, taasoo la micno ah in dadka qaar lagu qasbay inay ka cabbaan wabiga Nile.

Waxaa jiri doona rajo ah in xabbad-joojinta ay u oggolaato dadka rayidka ah inay ka baxaan magaalada.

Dawladaha ajinabiga ah waxay sidoo kale rajeynayaan inay ogolaadaan sii daadgureynta dalka.

Waddamada ayaa dadaal ugu jira sidii ay diblumaasiyiintooda iyo shacabkooda uga saari lahaayeen, iyadoo dagaalku uu ka dhacay bartamaha, qaybo ka mid ah caasimadda oo ay dadku ku badan yihiin.

Mareykanka, ayaa sheegay, inuu eegayo suuragalnimada inuu dib u bilaabo joogitaankiisii diblomaasiyadeed ee Suudaan hase yeeshee wuxuu ku tilmaamay xaaladaha halkaas ka jira kuwo aad u adag.

Sudan waxaa haysta internet la’aan, iyadoo Khartoum, internetka uu hawada ka maqnaa tan iyo habeennimadii Axaddii.

Waxaa lagu qiyaasaa in tobanaan kun oo qof oo ay ku jiraan muwaadiniin Suudaani ah iyo kuwa ka yimid dalalka dariska ah ay u barakeceen qalalaasaha dartood.

Rabshado ayaa ugu horrayn ka dhacay magaalada Khartoum, kuwaas oo u dhexeeyay kooxo millatari oo iska soo horjeeda oo ku dagaallamaya xukunka dalka saddexaad ee ugu weyn Afrika.

Arrintan ayaa timid ka dib maalmo ay xiisadi ka taagneyd iyadoo xubno ka tirsan RSF lagu soo daad gureeyey dalka oo dhan taasoo ay ciidamada millitariga ah u arkeen in tahay mid halis ah.

Tan iyo markii uu dhacay afgambigii 2021, Suudaan waxaa maamulayay gole Jeneraallo ah, oo ay hoggaaminayaan labada nin ee militariga ah ee udub dhexaadka u ahaa murankan waa Janaraal Abdel Fattah al-Burhan, madaxa ciidamada qalabka sida, isla markaana ah madaxweynaha dalkaas, iyo ku xigeenka iyo hoggaamiyaha RSF, Janaraal Mohamed Hamdan Dagalo, oo loo yaqaan Hemedti.

Waxay isku khilaafeen jihada uu dalku u socdo iyo qorshaha la doonayo in lagu maamulo shacabka.

Qodobbada ugu muhiimsan ee la isku mari la’yahay ayaa ah in qorshuhu yahay in 100,000 oo RSF ah lagu daro ciidanka, iyo cidda hoggaamin doonta ciidanka cusub.

Janaraal Dagalo ayaa ku eedeeyay dowladda Gen Burhaan in ay tahay Islaamiyiin xag-jir ah, isaga iyo RSF-ta ay u halgamayaan sidii ay dadka reer Suudaan u xaqiijin lahaayeen horumarka dimoqraadiyadeed ee ay muddada dheer ku taamayeen.

Gen Burhaan ayaa sheegay in uu taageersan yahay in dib loogu laabto xukunkii shacabka, balse uu ku wareejin doono oo kaliya dowlad la soo doortay.