1 min read

Qorshaha Horumarinta Caasimadda Muqdisho oo laga shiray.

Guddoomiyah Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kulan kula qaatay wafdi ay hogaamineesay u-qeybsanaha Mashruuca Horumarinta Magaalooyinka ee Bangiga Aduunka Mrs Makiko Watanabe.

Kulankaan ayaa loogu hadlay Qorshaha horumarinta Caasimadda, dhismooyinka Waddooyinka, Biyo qabadyada iyo Bulaacadaha iyo sidii loogu wada shaqeyn lahaa horumarinta deegaannada aan rasmiga aheyn, si xal waara loogu helo Barakacayaasha.