1 min read

Mooge “update” u baahan iyo Macallim. =Faallo=

Beryahaan waxaa Baraha Bulshada ku badan Dad ku doodayo. Maxaa Cuba looga ogolaaday safaarad? .

Mooge: Mg. Cuba Naas dheer.
Macallin: Mc. Naas dheer miyaad ku aragtay.
Mg. Weligeeyba ma arag.

Mg. Waxa ay ku jirtay Wadamadii 77 nagu soo duulayo.
MC. Jarmalka Bari, Libya iyo yaman ayaa nooga darnaa.

Mg. Yaa ku khasbay Cuba dagaalka.
Mc. Sida Ruushku noo xakumayay ayuu iyagana u xakumay ay.

Mg. Laakin, seey safaarad uga furanayaan Somalia?.
Mc. Libiya, Yeman iyo Ruushba Safaarado waa ku leeyihiin Somaliya.

Mg. Ee,eeee, eee. Laakin iyaga ma ahan in aan safaarad ka ogolaano, bacdamaa Ethiopia ay noo jabiyeen.

Mc. Kkkkkkk, Ethiopia-dii laguu jabiyay ayaad Safaarad ka ogolaatay Villadda iridda laga galo, iyada oo Weliba si dadban kuu maamusho, maxaad Cuba ku heeysataa?

Mg. Horta Cuba inteey ku taal? Ma Ethiopia iyo Sudan ayey dhexeeysaa.

Mc. Google Map-ka Raadi.

Mg. Weli Xaaladdu isma bedelin.

Mc. Waa is bedeshay Kaastaro, Mingiste iyo Siyaad Barre midna ma kama noolo. Siyaasadii Reer bari iyo Reer Galbeedku waa dhamaadeen, Hadaad Cuba Safaarad u diidee, Ethiopiana ogoshahay Adeer “update” ayaad u baahan tahay.

FG. Beryahaan waxaa batay Dad Cajal ayna ka warqabin ka dhax shidan yahay.

Qore: Yahya Amir